Isla yaab isla diid

0

Nin aan sheeko wadaag nahay oo aad u taageera dowladda ayaa doodi na dhexmartey.

Waxa uu igu eedeeyey inaan dowladda diidanahay weliba aan dowladda u diidanahay Madaxweynaha oo beeshiisa ah awgeed.

Waxaan idhi dowladnimo qof iga jecel ma jirto, Dowladdana waa u wada baahanahay maahine qof gaar ah dani uguma jirto.

Haddii habka geedi socodka iyo hannaanka maamul ee hoggaamiyaha la saluugo maaha ujeedku dowladdaa la diiday iyo beel heblaa la diidan yahay madaxweynaha beel ma dooran ee soomaali oodhan baa dooratey.

Ninkii waxa uu ii soo jeediyey laba eedood oo ah inaan dowladda u diidanahay Madaxweynaha oo reer hebel ah dartiis iyo inaan ahay qabyaaladiiste
aan rabin dowladnimo iney dalka ka hirgasho.

Waxaan hor dhigay caddeymo ah inaan Saddexdii dowladeed ee ka horreeyey aragtiyaha aan ku diidanahay tan aan ku diidanaa.

1. U Debecsanaanta itoobiya iyo Kenya
2. Cabudhinta iyo awood sheegashada dadweynaha
3. Ku tagrifalka hantida iyo cashuurta dalka
4. la Dagaalan la‘aanta Alshabaab

Waxaan tusay maansooyin iyo Gabayo, Qoraallo badan oo aan Madaxdii hore ka qorey.

Waa uu ka soo dhawaadey halkii hore wuxuuna garoowsaday oo iga dhimay eedii ahayd Madaxweynaha beelnimaada uga soo horjeeda.

Haddana isaga ayaan weydiiyey, Madaxweynaha Galmudug Xaaf oo Caabudwaaq oo deegaankaaga hoos timaado ma taageersan tahay?

Ninkii widaaygey waa xanaaqey dhiigaa ku karay, Aflagaado iyo weliba mid fir iyo farac mid qofeed ayuu u dhaqaaqey waxa uuna ii sheegay inaan wax Galmudug la yidhaahdo oo uu aqoonsan yahay jirin ama Madaxweyne.

Waxa aan weydiiyey mar kale madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ma taageersan tahay oo deegaan beeshaadu degto qaybo ka mid ahi hoos yimaadaan kana taliya.

Markan inuu ila dagaalamo ayuu ku sigtey, xanaaq dartiis waxaa uuna gaashaanka u daruurey inayba gef tahay in Madaxweyne aan ugu yeedho, mase diidin iney Jubbaland jirto sidii uu Galmudug jiritaankeeda u diiday.

Ugu dambeyn waxaan weydiiyey haddii aad labada maamul ee ka jira deegaanka beeshaada diiday madaxdooda aan kugu beel ahayn, saw kuma aadan diidin keliya inaysan kugu beel ahayn?

Arrinkaas waa diiday ninkii odayga ahaa, mana garoowsan, doodayadu waa dheerayd oo waxaa ku jirtey in Kenya faragelin ku haysa deegaamada Jubbooyinka, Halka itoobiya hiil iyo garab u tahay Baydhaba iyo gobollada kale.

Haddaba waxaa aan idhi waxaan u bandhigayaa bulshada dooda na dhexmartey’ keena wax diidan iyo keena wax ogol.

Anigu waan ogalahay inuu Madaxweyne Farmaajo
madaxweyne yahay, sidoo kale in Dowladda Soomaaliya dowladeyda tahay, balse hannaanka siyaasadeed ima deeqin lamana dhacsani qaabka ay wax u wadaan hoggaanka dalka.

Widaaygey, ma aqoonsana maamullada dalka ka jira ee deegaankiisu hoos tago, Galmudug iyo Jubbaland lamana maqashiin karo, sidoo kale Kenya waa ka soo horjeeda, itoobiyana waa taageersan yahay.

Haddaba ismaandhaafka bulsheed ee ina haystaa ayaa ah, nin diidan gobolka uu deganaa maamulka ka jira oo hadda kugula doodaya inuu dowladnimo rabo, dowladnimo maaha Madaxda ee waa hannaanka siyaasadeed ee dalka, heer degmo, heer gobol ilaa heer caasimadeed.

W/Q: Cabdiraxiim Hilowle Galayr