Horyaalka Ingiriiska oo maanta furmaya iyo suuqii cayaartoyda oo xirmay

0

Jigjiga (SK)-Waxaa Khamiistii shaley xirmay suuqii cayaartoyda ee waddanka Ingiriiska, intii suuqa uu furnaa waxaa lala kala wareegay cayaartoy badan oo kooxaha ay u arkayeen inay buuxin karaan boosaska ka maqnaa.

Waxa ay ka dhiggan tahay in tan iyo bisha January ee sannadka dambe uu xirnaan doono suuqa cayaartoyda waddanka Ingiriiska oo aysan jirin doonin cayaartoy lakala iibsado.

Haddaba, kooxaha qaar ayaa sannadan si fiican uga faa’ideystay intii suuqa uu furnaa oo cayaartoy muhiim ah la soo wareegeen.

Kooxda Liverpool ayaa la sheegay in ay suuqa kala soo wareegtay xiddigo muhiim ah sida xiddig qadka dhexe iyo goolhaye.

Kooxda Man United sidii la rabay cayaartoy cusub ma keesan, sidoo kale waxaa qasaaray kooxda Tottenham Hotspur oo wax cayaartoy aan soo iibsan.

Xeeldheerayaasha dhinaca cayaaraha waxa ay lee yihiin haddii kooxda City aysan qaadin kobka xilli cayaareedka waxaa laga yaabaa in ay ku guuleysato kooxda Liverpool oo si weyn isku diyaarisay.

Dhinaca kale, maanta oo Jicmo waxaa furmi doona horyaalka Ingiriiska Premier League, cayaarta furitaanka waxaa goradda isku daraya kooxaha Manchester United iyo Leicester City.

Cayaaraha kale berri ayaa la cayaari doonaa waxaana kooxaha isku arki doonaan sidan:

04:30Newcastle United? – ? Tottenham Hotspur

07:00AFC Bournemouth? – ? Cardiff City

07:00Fulham? – ? Crystal Palace

07:00Huddersfield Town? – ? Chelsea

07:00Watford? – ? Brighton & Hove Albion

09:30Wolverhampton Wanderers? – ? Everton

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com