Haddaan dhinto yaa idin hoggaamin?

0

Beelbaa waxay duubteen nin hoggaamiye ah, sida dhaqanku yahay qoloba waxaybay ku duubataa hoggaankooda.

1. Qolo dhalasho iyo dhaxal ku duubta

2. Qolo mudnaan iyo milge ku duubta

3. Qolo maal iyo magac ku duubta

4. Qolo iskaga nasiibsata.

Beeshani ninkan maalna waa ku duubteen oo waa xoolo badnaa, sidoo kalena waxay ku doorbideen inuu ahaa nin gole joogsi wanaagsan.

Hoggaamiyihii ayaa markii uu muddo duubnaa waxaa dhacday arrin la maareyn waayey,

Islaan goblana oo aan xoolo badneyn ayaa ri’dii keliyaata ee u irmaaneyd waxay madax la gashay dheri dhoobkii hore ee wax lagu karsan jirey.

Islaantii dherigana kama maaranto, ri’duna waxay ahayd nafteeda oo iyadaa xoolahaba uga irmaaneyd.

Si walba waa loo duduucay oo Ri’di laga saari waa dherigii madaxeeda labadii gees ayaa isku taakeeyey oo isku takhley afkii dheriga.

Waxay ka fursan weyday in hoggaankii beesha BUDUL oo geedka doonyeysan si qumana i digirin xidhey loo geeyo, hoggaankii markuu arkey xaalka ayuu horta muusoodey maadaama lagala maarmi waayey in Ri’daas iyo dheriga cid maareysana la waayey.

Duqdii Ri’da lahayd waa goobjoog, waxay sugeysaa in dherigeeda iyo Ri’deeda xal loo helo.

Hoggaamiye BUDUL wuxuu yidhi: Ma arrinkan ayaad ku dhibtooteen?

Waxaa loogu warceliyey, Haa mudane ee maaree adigaa madaxdii iyo maskaxdiiba ahe.

Wuxuu yidhi: Ri’da madaxa halaga jaro.

Waa talo hoggaane hayaa la yidhi, waana laga jaray.

Ayaandarro waxaa isku hadhay madaxii Ri’da iyo dherigi.

Waxaa la yidhi: Dheriga iyo madaxa sidee loo kala saaraa?

Hoggaamiye Budul oo ku riyaaqsan sida uu arrinkii hore u maareeyey ayaa yidhi; Dherigana Jebiya.

Dherigiina waa la jebiyey, oo halkaas dherigii iyo Ri’diiba waa la kala saaray sideese loo kala saarey?

Duqdii oo goob joog ah: Ayaa waxay aragtey Ri’deedi Madaxa la gooyey iyo dherigeedii oo la jajabshay

Hoggaamiye Budul ayaa oohin la dhacay, wuxuuna yidhi:

“Haddaan dhinto yaa idin hoggaamin” wuxuu ka dardaarweriyey beeshiisa hooga iyo heedadowga ku dhici doona hadduu hoydo.

Haddaba aan ku toydee, ma hoggaamiye budul ayaa gardarnaa oo gefsanaa?

Mise beesha duubtey ee hoggaanka ka dhigata gurracneyd oo galoof ahayd?

W/Q:Cabdiraxiin Hilowle Galayr.


AFEEF: Aragtida maqaalkan waxa ay gaar u tahay qoraaga laguma lifaaqi karo siyaasadda Tifaftirka ee Soomaalikabe. Mahadsanidiin