Guddoomiyaha aqalka sare muxuu ka doonay Kismaayo?

0
Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Kismaayo (SK)-Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo ee xarrunta gobalka Jubbada Hoose.

Wafdiga guddoomiyaha aqalka sare waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan mas’uuliyiinta Jubbland.

Socdaalka guddoomiyaha aqalka sare iyo wafdigiisa ayaa la xiriira sidii loo dhammeen lahaa khilaafka ka dhex taagan maamul goballeedyada iyo dowladda dhexe gaar ahaan Jubbaland oo saluugsan warbixin dhawaan uu soo saaray guddi aqalka sare u xil saaray soo afjarida khilaafka labada dhinac.

Cabdi Xaashi iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan Kismaayo waxa ay la kulmi doonaan madaxda Jubbaland iyo mas’uuliyiin kale.

“Anniga iyo wafdi aan hoggaaminayo ayaa waxa aadeenaa Kismaayo, Jubbaland baa aadeenaa waxaa u adeenaa waa tii howl soo wadnay oo meel gabagabo ayaa mareysaa, bal waxaa rabnaa in dadkeena sidii ay u heshiin lahaayeen”ayuu yiri Cabdixaashi oo ka hadlayey kulan xildhibaannada aqalka sare ay ku yeesheen Muqdisho oo ay ku ansixiyeen sharciga la dagaallanka musuq-maasuqa.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo fara badan oo sugaya ammaanka wadooyinka gala garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo madaxtooyada Jubbaland.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com