Garowe oo ciriiri noqotay maalmihii la soo dhaafay

0
Garowe oo ciriiri noqotay maalmihii la soo dhaafay

Garowe (SK)-Magaalada Garowe ayaa maanta jawi kale gashay kaddib markii maalmihii la soo dhaafay ay magaalada buuxiyeen dadkii ugu badnaa kuwaasoo u tagey doorashadii shaley la soo gabagabeeyay.

Hotelada ayaa markii ay buuxsameen waxa ay dadkii magaalada yimaadeen degeen xaafadaha.

Sidoo kale, waxaa sarakac laga dareemay qiimaha wax lagu iibiyo magaalada maadama magaalada ay soo galeen dad aad u badan kuwaasoo kala yimid dalka iyo dibadiisa.

Magaalada sidoo kale waxaa lagu arkayay baabuur cod baahiyaal ay ku rakiban yihiin kuwaasoo kala taageerayaasha musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Marka laga tago hotelada waxaa kaloo dhaqaale uu soo galay darawalada ka xeeya gaadidka loo yaqaanno taksiga kuwaasoo dadka daabulayay.

Garowe weli maanta waa ay camiran tahay balse waxaa maalmaha soo socda macquul ah in musharrixiin badan oo laga guuleystay ay dib ugu laabtaan goballada dalka iyo Qurbaha.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com