Garoonka Hargeysa oo lagu qabtay dawooyin been abuur ah

0

Hargeysa (SK)-Ciidamada ammaanka ayaa garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal ayaa maanta oo Arbaca ah lagu qabtay diyaarad sidday shixnado Kaniini faaruq kuwaasoo la rabay in lagaliyo gudaa magaalada.

Guddoomiyaha dhowrista hay’adda tayada badeecadaha iyo alaabaha Somaliland Muuse Cabdi Yuusuf oo BBC-da u warramayay ayaa sheegay in shirkadda keentay kaniiniga kabsoolka ee been abuurka la yaqaano isla markaan tallaabo cad ay ka qaadayaan.

“Annagoo mar walba adeegsaneyna sharciga ayaanu dooneynaa inaan fadeexeyno nimanka keenay kaniinigan waxbo aan ku jirin” ayuu yiri guddoomiye Muuse Cabdi.

Guddoomiyaha ayaa xusay inay dhowaan soo saari doonaan nidaam lagu diiwaan geliyo shirkadaha daawooyinka iyo badeecadaha keena Somaliland.

Mar la weydiiyay kaniigan halka laga keenay waa uu ka gaabsaday waxaana uu sheegay in weli ay socdaan baaritaan lagu ogaanayo halka laga keenay.

Dadweynaha magaalada Hargeysa ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay qaadeen mas’uuliyiinta garoonka Hargeysa ee qabtay kaniiniga lagu qabtay madaarka Hargeysa.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com