Gabar Soomaaliyeed oo guul ka gaartay tartan feerka oo lagu qabtay Portugal

0
Gabar Soomaaliyeed oo guulo ka gaartay tartan feerka oo lagu qabtay Portugal

Lisbon (SK)-Ramla Cali oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa guul ka soo hoyisay tartan dhinca feerka oo lagu qabtay waddanka Portugal.

Ramla ayaa ku guuleustay Billad Dahab ah, kaddib markii cayaartii ugu dambeeysay ee tartanka feerka ee divelas Boxing ay adkaatay dhiggeeda Dervia Duffy oo u dhalatay waddanka Ireland.

Sidoo kale, Ramla ayaa loo aqoonsasday xiddigga ugu wanaagsan ee tartanka gabdhaha ee ka soo jeeda Africa.

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha ee Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitterka ugu hambalyeeysay Ramala, waxaana ay sheegtay in guusheeda ay sharraf ugu fadhido waddankeeda Soomaaliya oo ay mataleyso.

https://platform.twitter.com/widgets.js
Halkan Hoose ka daawo sawirrada Ramla oo wacdaro ka dhigtay tartanka feerka ee lagu qabtay Portugal.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com