Farmaajo oo berri u safraya Itoobiya

0
Madaxweyne Farmaajo oo berri u dhoofaya Itoobiya

Muqdisho (SK)-Sida laga soo xigtay ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa berri u safraya magaalada Baxardaar ee dalka Itoobiya, halkaasoo uga qaybgali doono shir saddex geesood ah oo ay ka qaybgalayaan madaxda waddamada Itoobiya iyo Eritrea.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qaybgali doona kulankii labaad oo ay yeeshaan isaga ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo madaxweynaha waddanka Eretrea Isaias Afwerki.

Kulankan ayaa waxa uu isku xirayaa natiijooyinkii kasoo baxay heshiiska shirkii is-dhex galka dhaqaalaha ee ay waddamada gobolka ku yeesheen magaalada Asmara ee xarrunta dalka Eretrea laba bil ka hor.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com