FAALLO: Ma sii jiri doonaa golaha Iskaashigii maamul gobolleedyada mise waa u dhammaatay?

0
Seddexda mas'uul ee hadda ku haray golaha iskaashiga maamul goboleedyada

Nairobi (SK)- Golaha iskaashiga maamul goboleedyada ayaa u muuqda inuu wajahayo caqabaddii ugu weyneyd ee la xiriirta awooddiisa, xilli uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo dowladda dhexe, iyo is casilaaddii shalay ee madaxweynihii maamul goboleedka Koonfur Galbeed uu xilka iska casilay.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo ahaa guddoomiyaha golaha iskaashiga maamul goboleedyada ayaa galinkii dambe ee shalay oo Talaado ahayd magaalada Baydhabo uga dhawaaqay inuu tanaasulay, xilkii uu hayay ka dagay, doorashada madaxweynaha Koonfur galbeedna uusan ka qeyb gali doonin.

Wuxuu sheegay in go’aan qaadashadan ay ku kalliftay faragalin uu sheegay in lagu hayo hannaanka siyaasadeed iyo doorashada Koonfur Galbeed.

“Baarlamaankii sida sharafta leh aan wakhtiga dheer u wada shaqeynay markii ay oggolaadeen in la iga wado oo xamar la geeyo laguna tashkiiliyo iney iga hor yimaadaan, ayaan go’aan ku gaaray inaan iska tanaasulo” ayuu yiri.

Shantii mas’uul ee aasaasay golaha

Tallaabadan ayay dad fara badan durba u arkeen mid wiiqeysa awoodda golaha ay ku bahoobeen afarta maamul goboleed ee kala ah Koonfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug iyo Puntland, ayna shaki galineyso sii jiritaankooda.

Shirkii ugu horreeyay ee ay madaxda maamullada hoos taga dowladda federaalka Soomaaliya ku yeesheen magaalada Kismaayo waxay ku soo saareen go’aan ay xiriirka ugu jareen dowladda dhexe.

Hase ahaatee muddo yar ka dib waxaa safka maamul goboleedyada ka baxay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii ku kulmay Kismaayo.

Xilligaas aad buu u koobnaa culeyska maamullada kale ka soo wajahay ee ku aadaana go’aanka madaxweyne Waare, waxayna shir kale oo ay mowqifkooda ku xoojinayeen ku yeesheen magaalada Garowe.

Madashaas waxay uga dhawaaqeen iney sii wadi doonaan kulamadooda, iyagoo ka soo saaray go’aanno uu ka mid yahay iney sameystaan ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda afarta maamul goboleed, kuwaasoo ay tiradoodu gaareyso 4,000 oo askari.

Haddaba, in Shariif Xasan, oo ahaa guddoomiyaha golaha iskaashiga dowlad goboleedyada uu meesha ka baxo ma horseedeysaa burburka golahaas oo khilaaf xooggan uu kala dhexeeyey dowladda federaalka?

Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo falanqeeya arrimaha Afrika ayaa sharraxaya saameynta ka dhalan karta is casilaadda Shariif Xasan iyo waxa ay uga dhigan tahay dawlad goboleedyada.

“Runti hadda waxaad mooddaa in isbahaysigii maamul goboleedyada uu burburay, sababtoo ah madaxweyne Waare mar hore ayuu heshiis qaatay, Shariif Xasan hadda wuu is casilay oo meesha wuu ka baxay, Galmudug way kala qeybsan yihiin, Cabdiwalina waxaa laga yaabaa inuu xilka waayo maadaama uu doorasho gali doono. Marka hadda waxay u muuqataa in dowladda dhexe ay gacan sarrayso oo uu qorsheheeda sidii loogu tala galay u fulayo”.

Goobtii uu Shariif Xasan kaga dhawaaqayey is casilaaddiisa
Goobtii uu Shariif Xasan kaga dhawaaqayey is casilaaddiisa

Haddaba xagee buu ku dambeynayaa mustaqbalka seddexda madaxweyne ee ku soo haray golaha iskaashiga maamul goboleedyada, kuwaasoo kala ah Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Axmed Ducaale geelle Xaaf?

“Soomaalidu waxay tiraahdaa “ninkii qeyrkiis loo xiirayoow adna soo qoyso, marka kolley hogaamiyeyaashaas kalena way arkaan waxa dhacaya” ayuu yiri Dr Cabdiwahaab .

Taariikhdu dib ayay isku xustaa

Dhinaca kale, Dr Cabdiwahaab ayaa ka dhawaajiyay in arrintan ay dadka dib u xusuusineyso dhacdo la diiwaan galiyay bartamihii sannadkii 2011-kii, maadaama ay taariikhdu dib isku xusto.

Xilligaas ayaa Shariif xassan Sheekh Aadan, oo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ahaa, waxaa xilka iska casilay maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ahaa Raysul wasaarihii dowladda KMG Soomaaliya, waxaana jiray warar sheegayay in iscasilaadda Farmaajo ay sababtay cadaadis uga yimid dhinaca guddoomiyaha baarlamaanka.

Axmed Madoobe oo ka hadlay siyaasadda Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay jahwareerka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Baydhabo wuxuuna dowladda dhexe ugu baaqay ineysan awooddeeda isticmaalin.

“Waxaan rabnaa in la qaato heshiiskii aan wada galnay ee ahaa nidaamka federaalka. Ujeedaddeennu ma aha inaan leenahay waxaan nahay madaxweyneyaal la siman ama ka sarreeya madaxweynaha federaalka, laakiin waxaan nahay dowlad goboleedyo ka tirsan federaalka Soomaaliya. Dowladdu faragalinteeda ha noqoto wanaag, isku keenis, ixtiraam, is dhaqaaleyn iyo dakhliga waddanka oo la dhaadhiciyo”. ayuu yiri Axmed Madoob.

Golaha iskaashiga maamul goboleedyada oo lagu aasaasay shan maamul goboleed waxaa ahadda isugu soo haray seddex. Dad badan waxay aaminsan yihiin in wixii markan ka dambeeya uu miisaanka siyaasadeed dhinac u badan doono, waxayse wax badan ku xirnaan doonaan doorashada bisha Janaayo ka dhici doonta Puntland oo hadda loollankeeda uu si xoog leh u karaar qaadanayo.

ISHA: BBC