Faah-faahin: Shaqaale ka tirsan bisha Cas oo lagu afduubtay Baay

0
Sawir horre

Baydhabo (SK)-Maamulka Koonfur galbeed ayaa xaqiijiyey shaqaale ka tirsan hey’adda bishan cas in lagu afduubtay deeganno ka tirsan gobalka Baay.

Sarkaal u hadlay maamulka Koonfur galbeed ayaa saxaafadda u sheegay in shaqaalahaas oo shan qof ahaa in shaley galabtii laga afduubtay deegan lagu magacaabo Busleey oo u dhexeeya magaalada Baydhabo iyo deeganka Awdiinle.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in shaqaalahan ay afduubteen rag hubeysan oo indha u xiran kuwaasoo kala dagay baabuurkii ay la socdeen.

Maamulka Koonfur galbeed ayaa sheegay in shaqaalahan ay afduubteen Al-Shabaab balse warar ayaa sheegaya in shaqaalahan ay afduubteen kooxo hubeysan kuwaasoo doonaya lacag madax furasho.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya shaqaalaha ICRC oo kala ah seddax dumar ah iyo labo rag ah in ay ku sugan yihiin deegan galbeedka uga beegan tuulada Busleey ee gobalka Baay.

Ma jirto illaa hadda cid sheegtay afduubka shaqaalahan ka tirsan hey’adda bisha cas.

Shaqaalaha ayaa la sheegay in ay markii horre ka tageen magaalada Baydhabo waxaana ay ku sii jeedeen deeganka Awdiinle ee gobalka Baay.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com