Ducaan kuu hibeeyey Hooyo!

0

Alle swt wuxuu nolosha ku simaa qofkii nasiib leh inuu ku koro gacanta Hooyadiis macaan hadii ay dunida joogto wuxuu helaa naxariis iyo kalsooni aysan helin dadka kale sidaan aamisanahay.

Rabbi wuxuu iga beeray Hooyo wanaagsan sharaf iyo karaamo leh dulqaad badan naxariis iyo garasho leh wuxuu iga beeray hooyo i jecel nafteeda iyo nolosheedaba ii hibaysay iga ilaalisay inaan dareemo cidlo inaan ku koro daruuf adag iga ilaalisay inay i tusto xaaladaha adag ee aduunyada waqti iyo maalba galisay inaan noqdo ruux hami sare leh anfacda nafteeda iyo mida ummadeedaba.

Baarliin Maxamed Muuse waa Boqoradda rabbi iga beeray waxay ii daartay iftiin uusan daari karayn ruux kale waxay dushayda ka daartay laydh aad u hilaacaya kaas oo aan ku shaqaynayn shidaal balse ay ii hibaysay Noloshayda janadda rabbi ii dooray Hooyaday macaan.

Dardaaranka ay marwalba isiiso waa inaan waxkasta u sameeyo alle dartiis inaan ka fogaado waxkasta oo xumaan keena xitaa dadka qaybta ka ah faafinta xumaanta inaan ka dheeraado arrimaha qabyaalada iyo kooxaysiga inaan ahaado ruux afkiisa iyo adinkiisaba laga amaan helo inaan qofkasta oo aan baranayo u barto walaalnimo Muslinimo iyo Soomaalinimo🇸🇴❤️🇸🇴.

Ma jirto dunnida ruux iiga farxad badan inaan ag joogo Hooyo inaan la sheekaysto markasta oo aan la hadlo waxaan dareema farxad waxaan dareema firfircooni saa’ida jacaylka aan u qabo Hooyo waa mid ay igu beertay ayadu waa mid ay i tustay macaankiisa waa mid aan lahayn da iyo ka waynaan waa mid waagii baryaba igu siyaada iina cusboonaada.

2015 mar aan xanuunsaday oo aan miyir beelay waxaa dadka ila joogay ii sheegen markii Hooyaday soo hadasho in indhahayga ilmo ka imaanaysay waana mida aan la ilmeeyo markasta oo aan la hadlayo dareenka Hooyo waxaa dareemi karaya qofka qiimaheeda gadhanaya waxaa dareemi karaya qofkii og janada ku jirta u baari noqonshadeeda Sannado ma arkin haddana walwalka ugu baddan ee noloshayda haysta waa inaan ka fakaro goorta aan dib ula midoobi doono waayo waxay iiga soo dheeraysay agteeda waa inaan ku noolaado meel Ammaana oo naftaydu ku helayso daganaansho annigu ma dareemin Xanuunka Hooyo dareemayso markastana waxaan dhihi jiray Hooyo inaan kula sii joogaan rabaa inaan agtaada ka soo toosaan rabaa inaan kula qoslaan rabaa lkn jawaabta ay isiisay baa ahaa Hooyo Intaas way soo noqonaysa lkn si aan annigu u seexdo hurdo bilaa walwal ah iga yeel sidaan doonayo oo ah inaad ku noolaato Nolol aan cabsi danbe lahayn inta geeridu kaaga imaanayso labadeena qod hor maraya alla og.

Riyooyin baddan bay igu garab siisay inay ii rumoobaan oo ay ka mid ahayd Waxbarashadayda, shaqadayda iyo maaraynta xaaladaha isoo wajaha waxay ila qaybsatay Murugooyin iyo Farxado isoo maray markasta way ii ducaysaa waa saaxiibkayga Qaaska waa ruuxa sirta noloshu naga dhaxayso oo aan la wadaago heerkasta oo aan marayo waxay iiga sheekaysaa waayo baddan oo ay u soo joogtay waligeed iima sheegin wax naftayda xumaan u keeni kara waxay iiga warantaa waaya arragnimadeeda dhankastana wanaag bay i fartaa iyo alle ka cabsi iyo ka fogaanshaha dhacdooyinka Dhalinyaranimo.

Jacaylka aan u qabo hooyo waa mid aan la dhimanayo waa mid aan alle ugu dhawaanayo waa mid dhiigayga ku milmay waa mid wadnahayga ku samaysan waa mid aan intaan noolahay la noolaanayo hadii naf la isku badali karayo waa ruuxaan naftayda siin lahaa hadii jandana la isku hadiyayn lahaana waa qofkaan siin lahaa rabbi albaabada jannada ha u furo.

Hooyaday Jacaylka ay ii hayso waxay soo dhawaysaa qofkasta oo i garanaya waxay ula macaamishaa sida Xorriyo waxay i tustaa inaan haysto Saaxiibo walaalo iyo dad wanaagsan oo markasta ay i xasuusiso inaan ilaaliyo dhawro xariiryana sidookale Qaraabada iyo dadka ku xeedhan ayay ayagana xariirkooda inaan wanaajiyo igu boorisa intaan awoodana waan sameeyaa oo kalaan kayga ah.

Waxaan markasta ku haminayaa inaan Hooyaday xajka geeyo inaan inta alle isku kaaya qoray inaan dunida ku cayshno aan u qidmeeyo oo aan agteeda joogo ma gudi karayo abaalkeeda balse rabbi baan uga baryaya inuu naxariistiisa ugu deeqo adduun iyo aakhiraba.

Dar-Daaran Walaalnimo.

1:waxaan qofkasta oo waalidkiis noolyahay kula dar-daarmayaa inaad ka ducaysataan In iima ka fogaan hadday daruuftu idin ka fogaysana aad la yeelataan xadhiidh wanaagsan oo aad la samaysaan sida inaad wacdaan ku tiraahdan waan ku jeclahay Hooyo /Aabe maanta ayaad haysataa jaanis taas oo ah inay ifka kuu joogaan hadday kaa hor dhintaan fursadaas waad wayday fadlan kasbo waalidkaaga u hadal dabci sidkasta oo xitaa uu u kululyahay dareensii in aa tahay ilmo ay dhaleen inaadan wali ka korin taladooda iyo garabsiintooda.

2: Haddii waalidkaa dhinto markasta sadaqo u bixi u ducee hana ilaawin samayso buug xasuus qora kuna dhigo waxkasta oo ay kaala hadlaan si markaad Buugga furto ay indhahaagu u qabtaan kalmadhaas oo aad ugu dhaqanto beer weeyaan waalidku waxaana waraabis ugu filan xadhiidhka iyo hadalka macaan ee intaas ugu deeq.

3: Magaca ugu quruxda baddan ula bax uguna yeer markasta oo aad la hadlayso u sheeg inaad jeceshahay oo aad ku faanto sida ay kuugu faanaan adiga oo ay kuu dhaleen ogoow inaad tahay ruux la dhalay oo jacaylkaagu uusan ahayn mid ka wayn midka ay kuu qabaan ayagu.
Caawa oo ah 14/9 waxaan Duco u dalbayaa Hooyaday macaan oo ifka ku nool waxaan alle uga baryayaa inuu uga raali noqdo siday iiga raali noqotay Naftayda waxaan alle uga baryayaa inuu albaabadda jannada u furo inuu inta dunida ay joogto siiyo caafimaad cimridheer iyo Cibaado suuban.

Dunidaan kuugu jeclahay Boqoradda Noloshayda❤️❤️

W/Q: Xorriyo Cabdiqaadir