Dowladda Soomaaliya oo ku rajo weyn sannadka 2019-ka in deymaha laga cafin doono? haddaba waa imisa deymaha Soomaaliya lagu lee yahay?

0
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle

Nairobi (SK)-Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in uu socdo qorshe deymaha looga cafinayo Soomaaliya, sida ay ballan qaaday hey’addaha lacagta adduunka ee IMF.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in magaalada Nairobi uu u joogo sidii hey’adda IMF ugala hadli lahaayeen deyn cafinta Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in maalintii labaad uu shir Nairobi uga socdo xubna uu hoggaaminayo iyo saraakiil ka socda hey’addaha lacagta adduunka.

“Seddexdii bilood mar ayaan shirnaa annaga iyo IMF waxaana aan ka shirnaa sidii ballamihii lagu heshiiyay ay qabsoomaan oo ahayd bisha Decmber oo aan weli dhammaan iyo shuruudaha la soo dhameenayo bisha March” ayuu yiri wasiir Bayle.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku rajo weyn tahay in deynta laga cafiyo marka la gaaro sannadka 2019-ka isla markaana hadda meel fiican ay dowladda marsiineyso shuruudihii la hordhigay.

Mar wasiirka la weydiiyay lacgata Soomaaliya laga cafinayo waxa uu sheegay in lacag gaareysa illaa 4 milyan iyo bar dollar taasoo ay ku lee yihiin dowlado, hey’addo iyo ururo la yaqaanno.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshaha dowladda aaney ku koobneen in deymaha laga cafiyo Soomaaliya la rabo in Soomaaliya ay abuurto sidii kalsooni loo siin lahaa ama lacago kale loo deymin lahaa.

Guddiga maaliyadda iyo warbixinadooda

Wasiirka ayaa la weydiiyay sida uu u arko kala darista guddigii maaliyadda ee baarlamaanka, waxa uu sheegay in guddigaas ay kala jabeen isla markaana warbixintooda ay dhaawac ku ahayd horumarada Soomaaliya ay gaartay in kalsoonida ay rabto in ay caalamka tusto.

Hey’adda IMF ayaa horrey u sheegtay in deyn bixiyayaasha adduunka ee deymaha ku lahaa Soomaaliya in ay cafiyaan qaybo ka mid ah deymihii lagu lahaa Soomaaliya oo gaaraya shan bil yan oo dollar, waa haddii ay buuxiso shuruudaha laga doonayo si looga cafiyo deymahaasi.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com