Dowladda Soomaaliya oo dib u dhigtay cayaaraha dowlad goballeedyada

0
Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye

Muqdisho (SK)-Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dib loo dhigay cayaaraha kubadda cagta ee dowlad goballeedyada iyo gobalka Banaadir, kuwaasoo lagu waday in la qabto bishan December.

Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka dhallinyarada iyo Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa lagu sheegay in cayaarahaas la qaban doono bisha April sannadka 2019-ka isla markaana dib loogu dhigay dib u dhis iyo dayactiri ka socoto tuulada cayaaraha Muqdisho oo la go’aamiyay in cayaarahaas lagu qabto.

Waa markii ugu horreysay in ka badan 30 sanno garoonka cayaaraha ee Muqdisho Stadium lagu qabto cayaaro goballada.

Halkan Hoose ka akhriso wareegtada wasiir Khadiijo.