Doorashada Koofur galbeed waa gool ku laadka khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya

0
UN calls for peaceful, credible polls in Somalia regional state

Waa faallo aan ugu magac daray Doorashada Koofur Galbeed waa Gool ku laadka khilaafka Siyaasadeed ee Soomaaliya  wana mid aan ku eegayo doorshada Koofu galbed iyo muhiimadda ay u ledahay dowldda iyo maamul goboledyada oo uu khilaaf ka dhexeeyo.

Khilaafka u dhaxeeya dowladad Federalkka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboledyada hoos yimaada ayaa ah mid salka ku haya awooda maamul , qeybsiga dhaqaalaaha iyo arimo kale oo siyaasadda la xiriira sida inta badan la sheego.

Xaaladihi ugu danbeeyay ee khilaafka labada dhinac ayaa ah mid ka bedalan heerar hore oo uu soo maray.

Maamul Goboledyada 8-dii bishii September ayay Kismaayo go’aan ku gaareen hakinta wada shaqeynta kala dhexysay dowladda dhexe , waa mid cuur yaamineysa adeegyada dowladeed ee dalka. Inkasta oo Hirshabeelle Go’aanka dib uga laabatay.

Isla maalinta ay Go’aan ka soo saareen madaxda maamul goboleedyada ayaa Madaxweynaha dowladda federallka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ugu baaqay in ay Caasimadda dalka ee Muqdisho u yimaadaan wadahadal labada dhinac ah, balse waa ay ka diideen.

Aqalka sare ee dalka ayaa bilaabay dadaal la isugu soo dhaweynayo labada dhinac ee khilaafka ka dhexeeyo, balse u muuqda in midba uu midka kale ka caga jiidayo inuu kaga dhawaado xal raadinta.

Waxaa sababta ay muddo u qaadatay xal u helista khilaafkan danbe lagu sheegayaa dhowr sababood.

Waa tan hore ee madaxda dowladda oo la rumeysan yahay in ay aaminsanyihiin in waqtiga inta badan ee madaxda maamul goboleedyada uu yahay dhamaad sidaasna aysan ku lahayn saameyn weyn.

Waa tan labaad ee madaxda maamul goboleedyada oo la rumeysan yahay in ay khilaafkan oon xal loo helin ay  keeni karto waqti kororsi ay sameytaan.

Sababo kale oo la tilmaamo ayaa jira, balse labadaasi ayaa ah kuwa ugu hadal heynta badan.

Daah ma saarna in baaqyada badi loo dirayo labad dhinac dhagaha ay ka daarteen.

Maamul goboledyada waxay soo saaraan eedo is daba joog ah .

Dowladuna marna waa ay ka aamustaa marna wadahadal Muqdisho la iskugu yimaado ayay ku baaqdaa.

Aqalka sare kama daalo isku deyga in xal la gaaro oo ugu dambeyn waxaa uu maalmo kahor ku guulesytay in xukuumaddu uu ka helo xubno wasiiro ah oo gogol xaar u noqda miis la wada fariisto , si lamid ah dowlad goboleedyada ayaa laga rajeynayaa.

Waxaa muuqaneysa in hadii sidan xaalku sii ahaado labaatanka cisho ee soo socota dhinac ka mid ah dhinaycada khilaafka uu ka dhaxeeyo siyaasadda looga adkaan karayo.

Waa marka ay dhamaato doorashda madaxtinimon ee koofur Galbeed oo dhici doonta 17-ka Bisha soo socta ee Novembar soona baxo madaxwqeynaha Koofur Galbeed ee sanadaha soo socda.

Tartanka doorashada ayaa ah mid sida gool ku laadkii la iskaga adkaan karo khilaafka dowladda iyo maamul gobaleedyada.

Waayo maamul gobaleedyada Golaha ay ku mideysanyihiin ee Afarta maamul Puntland , Galmudug , Koofur Galbeed iyo Jubbland, waxaa u gudoomiye ah Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha waqtigiisu maalmaha kooban ka hareen hadii aan dib loo dooran.

Waxaana ay madaxda maamul gobaleedyad dadaal badan ugu jiraan sidii uu u soo laaban lahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka sukow Koofur Galbeed ah nin sameyn shan iyo tobankii sano ee u danbeeyay ku lahaa siyaasadda guud ee dalka.

Shariifku waxaa la rumeysanyahay in u yahay siyaasi galangal badan lana qiyaasi Karin in laga adkaanayo iyo in kale marka loo fiiriyo Jalaafooyin siyaasadeed oo uu dhowr jeer horey u soo dhigay.

14-sano kahor xiligan 2004-tii ayuu noqday Gudoomiyaha Baralamaka KMG ah ee dowladdi Cabdullahi Yuusuf , waxaa uu xilkaasi waayay sanadka markii uu ahaa 2007- oo wadahalo aan lagu racin uu la galay xubno ka tirsanaa Midowaga maxaakiimta Islamaamiga kaidbna noqday Isbaheysiga dib u xureynta , isaga iyo xildhibano Baarlamanaki xiligasi ka tirsana ayaa la baxay Baarlamnaka Xorta ah , waxaana la sheegaa in Magaalada Asmara uu siyaasad kaga adkaay Xasan Daahir Aweys oo aha gudoomiayha Golaha Shurada ee Isbaheyga dib u xureynta.

Ra’iisal wasaare xigeen ahna wasiirkii Maaliyadda ayuu noqday 2009-ki balse Bishii Maay ee 2010 ayaa loo doortay Gudoomiye Baaralmaan marki uu siyaasad meesha uga saaray Shiikh Aadan Madoobe.

Ra’iisal wasaarihi xiligaasi Maaxmed Cabdulahi Farmaajo oo hada ah madaxweynaha Soomaliya ayayna is qabteen oo uu ugu danbeyn meesha kaga saaray Kampala Accord 19-kii June 2011 oo uu Farmaajo muqdisho kaga dhawaqy is casiliaadiisi.

Wixi ka danbeeyayna ragga kariya siyaasadda ayuu ugu horeeya sida la rumeysan yahay oo waxaa uu madaxdi soo martay dalka in badan kala shaqeeyay socodsiinta ajendayaal la’aantii la dhaqaajin waayay.

Waana nin saaxiibo dhaw ku leh hadba Baarlamankii jira, balse xiligan ayay taala kubad gool ku laad ah oo lawada fiirsan doono.

Madaxda dowladda ayaa la rumeysanyahay in ay dadaal ugu jiraan kursiga Shariif Xasan in Siyaasi kale loo helo.

Hadii uu Shariif markale madaxweyne ka noqdo Koofur Galbeed waxaa cad in Golaha iskaashiga dowlad gobaleedyada uusan ku imaan doonin is bedel.

Hadiise uu meesha ka baxo waxaa dhici doonta in ay waayaan Gudoomiyaha Golaha iskaashiga , sidoo kalena ah mid  kamid ah tirarka ugu weyn ee ay ku taagan yihiin.

Waxaa ay noqon doontaa madaxda dowladda oo taageero ka heysta Labo madaxweyne maamul gobaleed , Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ee Gool ku laadka yaala ah.

Shariif Xasan miyay ku dhici doonta Saaxiib jaaw oo siyaasaddu malahan Saxiib joogto ah mise markale ayuu wacdaro dhigi doonaa.

Aanse su’aal idiin kaga tagee  mar hadii dowladda iyo maamul goboleedyada u bisleyn in miiska wadahadalka  la is kugu yimaado , Waxaana  si hoose u  muuqato in la isku reebayo siyaasadda sow doorashada madaxtinimo ee Koofur Galbeed lama oran karo waa Gool ku laadka khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya?

W/Q:- Abdiqani Cabdullahi Ibraahim

Email:-Abdiqaniifiye@gmail.com


AFEEF: Aragtida maqaalkan waxa ay gaar u tahay qoraaga laguma lifaaqi karo siyaasadda Tifaftirka ee Soomaalikabe. Mahadsanidiin