Didier Drogba oo shaaciyay in uu cayaaraha ka fadhiisanayo

0
Didier Drogba oo shaaciyay in uu cayaaraha ka fadhiisanayo

London (SK)-Laacibkii horre ee kooxda Chelsea Didier Drogba, ayaa waxa uu shaaciyey in uu cayaaraha guud ahaan ka fadhiisanayo.

40-jirkan u dhashay dalka Ivory Coast, ayaa muddo 40 sanno ku dhex jiray cayaaraha, waxaana Chelsea u cayaaray labo jeer oo kala duwan.

381-kulan ayuu u saftey Chelsea, isagoo kula guulaystay afar ka tirsan horyaalka Ingiriiska Premier Leagues iyo horyaalka kooxaha qaaradda Yurub sannadkii 2012.

Xiddigan ayaa 18 bilood ka soo cayaaray koox ka dhisan dalka Maraykanka, gaar ahaan Phoenix Rising.

Drogba ayaa ka soo cayaaray horyaalka Faransiiska gaar ahaan Guingamp, Le Mans sannadkii January 2002.

Sidoo kale, waxa uu wareegay naadiga Marseille 18 bil kaddibna adduun lacageed £24m ayuu ugu wareegay Chelsea, halkaasoo waqti fiican uu ku soo qaatay.

Didier Drogba oo shaaciyay in uu cayaaraha ka fadhiisanayo

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com