Dedaalaa wuu gaaraa

0

George McLaurin, waa Ardaygii ugu horeeyey ee Afrikan ah oo ay Aqbasho inuu wax ka barto Jaamacadda Oklahoma ee Dalka Mareykanka Sannadkii 1948-kii, waxaana la Fariisiyey meel Gees ah si uusan ugu dhawaan Ardayda Caddaanka ah.

Laakiin George wuxuu dadaal badan kadib ka mid noqday Sadexda arday ee waxbarashada ugu wanaagsan uguna sharafta badan Jaamacadda.
George wuxuu yiri-

“Waxay ii Arki jireen sida inaan ahay Xayawaan, ilama hadli jirin, Macallimiinta waxey iila

Dhaqmi jireen sida inaanan ka mid aheyn Ardayda, Su’aalaha aan Weydiiyana iigama Jawaabi jirin.

Aad baan u dadaalay mana Niyad jabin ilaa markii dambe Ardaydii Caddaanka ahaa ay i soo raadiyaan si aan Casharada ugu Sharraxo Su’aalahana uga jawaabo.

Ugu dambeyn George McLaurin wuxuu yiri adiga ayey tahay inaad kala Xulato in Liiditaankooda aad ku Niyad jabto ama aad iyaga Saameyso si ay isku Dhiibaan”

Dulucda Waa marka Qofku uu la Kulmo wax Niyad jebiya, inuusan is Dhiibin, Dadaalkiisuna uu sii Laba jibaaro si uu u gaaro Hadafkiisa.

W/Q:- Macoow Ustaad.