Dalkeygii ma joogo Dadkeyga la noolahay

0
Sawir hore

Hargeysa (SK)-Qaar ka mdi ah dadka naafada ee ku nool magaalada Hargeysa ayaa waxa ay ka cabanayaan Jaranjarooyinka iyo kaabayaasha laga dhisay masaajidda iyo xafiisyada maamulka ee magaaladaas oo aysan si fudud ku gaari karin.

Arrintan ayaa looga hadlay kulan ay ka qaybgaleen dadka naafada iyo mulkiilayaasha guryaha iyo shirkadaha dhismaha ee ka jira magaalada Hargeysa.

Dadkii naafada ee goobta ka hadlay ayaa u sheegay mas’uuliyiinta dhibaatada ay ku qabaan jaranjarooyinka ama kaabadaha dhismaha maadama aysan ka tallaabi karin.

Maxamed Muuse Jaamac oo ku magacdheer Maxamed Haldoor, waa wiil dhallinyaro ah oo cagaha naafo ka ah, xilligan waa weriye waxaana lagu bari jiray goob gooni ah.

Maxamed ayaa ka tiriyay tix yer, oo waxa uu yiri “Farxad kula cawee baa lahaa curadaydiiyee, Qayrkaa la cawee baa lahaa caawa iyo leylee, mar haddii caadkii ay koreen cago ku gaareyne cakuyee maxaa fali ciil adaa ibadee bulsho”ayuu yiri Maxamed Haldoor.

Maxamed iyo dadkii ka hadlay goobta ayaa codsaday in dhismayaasha hadda jira ama kuwa la dhisayo in ay u sameeyaan goobo ku haboon oo ay maraan dadka lixaadkooda uu kala dhiman yahay.

Jaamac Ibraahim Cawad oo naafo ah oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in dhammaan dhimsooyinka ku yaalla Hargeysa aaney gali karin dadka naafada ah.

Waxa uu sheegay in dadkii madaxda ay wada fuleen halka kore marka ay hoos ku sugnaanna ay ka tagaan xitaa goobaha lagu cibaadeysto.

Maxamed Haldoor ayaa sheegay in la hagranayo oo waxa ay u baahan yihiin ay yihiin wax yer oo dhaqaale badan ku baxeynin.

Dhismayaasha dhaadheer waxaa ku baxa lacag badan, masaajida dad carbeed baaba dhisa marka looma waayin in kaabad yer loo dhiso si dadka naafada u adeegaasadaan, sidaas waxaa aaminsan dadkii shirka ka qaybgalay ee naafada ahaa.

Dhowr iyo toban sannadood ayey dadka naafada wadeen wacyigalin ku saabsan inay bulshada xasuusiyaan inay u baahan yihiin marinno ku haboon xaaladooda, balse weli looma hirgalin codsigooda iyaguna dadka naafada kama quusan inay ka hadlaan xaqooda.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com