DAAWO: Madaxweynihii horre ee Soomaaliya oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

0
Madaxweynihii horre ee Soomaaliya oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Muqdisho (SK)-Madaxweynihii horre ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa saaka ku soo laabtay magaalada Muqdisho, tan iyo markii doorashadii bishii Febraayo sannadkii horre looga guuleysttay.

Xasan Shiikh Maxamuud oo hadda xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, ayaa saaka si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada gaar ahaan markii uu ka soo dagayey garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xubno ka tirsan dowladda, sida wasiiro, xildhibaanno, xubno siyaasiyiin ah iyo dad kale oo caan ah ayaa soo dhaweeyay Xasan Shiikh.

Xasan Shiikh ayaa tan iyo markii looga guuleystay doorashada waxa uu ahaa degganaa waddanka Turkiga.

Halkan Hoose ka daawo soo dhaweenta Xasan Shiikh ee Muqdisho

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com