Ciidamo gadoodsan oo la wareegay saldhigga booliska Dhuusammareeb

0
Sawir horre

Dhuusamarreeb (SK)-Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamarreeb ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan oo ka tirsan maamulka Galmudug inay la wareegeen saldhigga magaalada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada ay sidoo kale xireen wadooyinka soo gala saldhigga.

Ciidamasda ayaa ka gadoodsan mushaar la’aan, iyagoo sheegay in ay sii wadi doonaan gadoodkooda illaa inta laga siinayo mushaaraakooda.

Tallaabada ay sameeyeen ciidamadan ayaa ku soo aadeysa iyadoo shaley madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu booqday saldhigyada ciidamada Galmudug ee gobalka Galgaduud ku yaalla.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com