Ciidamada booliska oo si rasmi ah loogu wareejiyey ammaanka Muqdisho

0

Muqdisho (SK)-Dowladda Soomaaliya ayaa isbeddal ay ku sameesay ciidamadii sugayey ammaanka magaalada Muqdisho, sida uu sheegay afhayeenka booliska Qaasim Axmed Rooble.

Afhayeenku waxa uu sheegay in shir guddiga amniga ay ku yeesheen Muqdisho in la isku afgartay in xasillinta Muqdisho lagu wareejiyey ciidamada booliska.

Waxa uu sheegay in isbeddalkan uu wax badan ka beddeli doono ammaanka magaalada Muqdisho isla markaana ciidamada ay ku filan yihiin ammaanka caasimadda.

Afhayeenka waxa uu sheegay in ciidamada booliska ay xaq u lee yihiin ammaanka magaalada Muqdisho dowladdana ay garwaaqsatay in lagu wareejiyo ammaanka Muqdisho.

Mar la weydiiyey ciidamadii xasillinta halka la geeyey waxa uu sheegay in ciidamadii xasillinta lagu wareejiyey ciidamada booliska.

Afhayeenka ayaa ku booriyey ciidamada booliska in ay sugaan ammaanka Muqdisho mas’uuliyadna ay iska saaraan waajibka loo xil saaray.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan isbeddal ku sameesay hoggaanka talisyada ciidamada booliska iyo nabad sugida gobalka banaadir, waxaana ay sheegeen in wixii hadda ka dambeeya ciidamada sirdoonka ay u howgalayaan qaab qarsoodi ah, halka markii horre ay ahaayeen ciidamo hubeysan oo muuqda.

Si kastaba, xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ammaanka Muqdisho ku wareejisay ciidamada booliska halkii markii horre ay ka sugayeen ciidamada xasillinta oo ka koobnaa qeybaha kala duwan ee dowladda.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com