Chelsea oo bartilmaameesanaysa goolhayaha Athletic Bilbao

0
Chelsea oo bartilmaameesanaysa goolhayaha Athletic Bilbao

London (SK)- Kooxda Chelsea ayaa meel wanaagsan waxa u maraya wadahadal ay kula jirto kooxda Athletic Bilbao ee ka dheesha Spain taasoo ay ka doonayso goolhayaheeda Kepa Arrizabalaga, waxaana la sheegaya inuu ku kici karo lacag dhan £71m, oo noqonaysaa lacagtii ugu badneyd ee abid lagu iibsado goolhaye.

Chelsea ayaa u muuqata mid ka niyad jabtay goolhayaheeda caalamiga ah ee Koortuwaa, kaasoo la sheegay inuu doonayo inuu u wareego kooxda Real Madrid, welina aan kusoo laaban garoonka Stanford Bridge.

ISHA: BBC