Cabdiqani Saciid Carab oo markale loo doortay guddoomiyaha xiririka kubadda cagta Soomaaliya

0
Cabdiqani Saciid Carab oo markii labaad loo doortay guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya

Muqdisho (SK)-Magaalada Muqdisho, waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhacday doorashadii 7-aad ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, iyadoo la doortay guddoomiyaha xiririka iyo xubno kale oo ka mid noqonaya xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Doorashada oo ka dhacday Hotelka Jazeera ee ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka socda xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA iyo kan bariga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa.

Doorashada waxaa kaloo goobjoog ka ahaa 25-ka koox ee ka dhisan ee dalka, iyo saddex urur oo kala ah ururka macallimiinta, ciyaartooyda iyo garsoorka.

Sidoo kale, waxaa la doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, waxaana loo doortay Cali Shiine halka guddoomiye ku xigeenka labaad loo doortay.

Waa markii labaad oo Cabdiqani Saciid Carab loo doortay guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, horrey waxa uu soo noqday xoghayaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Lahaanshaha sawirka Goolfm

Dad badan ayaa aaminsan Cabdiqani Carab in uu wax badan oo horumar ah uu gaarsiiyey cayaaraha kubadda cagta ee dalka, balse waxa jira dad kale oo leh waxaa aan jirin fursad la siiyey dad kale ee ka soo horjeeda aragtidiisa si loo horumariyo cayaaraha waddanka.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com