Marwo Basma “Illaahay iguma ceebeeyo mas’uuliyeeda ka warqabida iyo gacan ku heynta Naadiga Muqdisho”

0
Kooxdii kubadda cagta ee Muqdisho oo dib loo soo celiyey

Muqdisho (SK)-Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib usoo celiyay kooxdii dolwadda Hoose xamar ama Muqdisho city oo mudo fag ka maqneyd saaxada ciyaaraha waxaana magacan qaatay naadiga Banaadir SC oo ah ka mid aheyd kooxaha ugu weyn kubbadda cagta dalka sanadihii lasoo dhaafay hanatay ku guulaystay koobka kubbadda laga dhigay gudaha.

Ciyaartooydii lagu aas aasay kooxda dowlada hoose xamar ayaa sanadihii lasoo dhaafay madaxdii soo martay maamulka Gobolka Banaadir ka codsaday in dib loo howl geliyo kooxda caasimada,iyagoo sheegay in ay diyaar u yihiin ay si dhaw ula shaqeyndoonaan maamulka,ciyaartooyda iyo tababarayaasha.

Gudoomiyahay Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) ayaa bogaadiyay dadkii ka shaqeeyay arintan,isagoo dhanka kale balanqaaday in ay garab istaagidoonaan laacibitiinta iyo macalimiinta ku dheelay sharafka caasimada Muqdisho

“Waa Alla mahadii waqti dheer ka dib in aan dib usoo celino kooxdii Dowlada Hoose Ee Muqdisho Waxaan diyaar u nahay garab istaagida dhalinyarada ku ciyaaraysa magaca Caasimada””waxaa sidaas Goobjoog u sheegtay gudoomiye ku xigeynka arimaha bushada Gobolka Banaadir Basma Caamir Jaketti.

 

Isku soo wada duub Kooxda dowlada hoose ee Muqdishio ayaa horay u qaaday 3-jeer oo horyaal ah,2-jeer oo koobka jeneraal daa’uud,halka intii u dhaxaysay 1986-187 ay magac ahaan ku matashay xulka qaranka da’yarta kubbadda cagta

W/Q:Maxamed Xuseen Qalinle