Axmed Cali Cigaal oo ka warramay dib u dhaca ku yimid Fanka Soomaaliya

0
Axmed Cali Cigaal

London(SK)-Fannaanka caanka ah Axmed Cali Cigaal oo ka mid ah tiirarka fanka Soomaaliya, ayaa ka warbixiyay dib u dhaca la sheego inuu ku yimid fanka Soomaaliyeed xilliyadan danbe.

Fannaanka oo u warramay Telefishanka BBC Somali, ayaa wax laga weydiiyay qaar ka mid ah taariikhda heesaha uu qaado iyo arrimo kale.

Fannaanka ayaa sheegay sababta ugu weyn ee fanka uu hoos ugu dhacay in ay tahay dadkii la rabay in ay fanka kor u qaadaan oo ka seexday ama ka gaabiyey.

“Dal walba ama dad walba waxa kor u qaada, dhisa oo magac u yeela waa dadka wax u bartay, marka annaga barifiisooradeennii dhaqaale u raadin lahaa fanka ama fanniinta dhisi lahaa waxba u maqaban ee iyaga ayaa calooshooda u shaqeeya, dowladi waxba uma qaban karto iyadii ayaa weli taagneen, culimadiina waxa ay lee yihiin wuxu waxaa la isku cadaabayaa ee halaga cararo walow cadaabta Alle lee yahay oo ciddii la cadaabayo Alle uu ogyahay” ayuu yiri Axmed Cali Cigaal.

Axmed ayaa sheegay in wax yaabaha ugu weyn ee dib u dhaca ku keenay fanka ay tahay dhaqaale yari taasoo heesata fannaaniinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa hadda soo baxay iyo kuwii horre.

Heesta Walaasheey Gacalisoy

Cigaal ayaa wax laga weydiiyay macnaha ka dambeeya heesta Walaasheey Gacalisoyo oo uu qaado, waxa uu sheegay in heestaas uu qaaday xilli uu aad u xanuusanaa deedna loo qaaday isbitaal ku yaalla waddanka Swezerland

“Anniga dhibaato ayaa igu dhacday waqti ka mid ah waqtiyaashii aan soo dhaafnay, dhibaatada igu dhacday waxa ay ahayd mid aan dhakhtarada Soomaaliya wax la iiga qaban waayay, dibadda ayaa loo baahday, waxaana ii qaaday gabar aan walaalo nahay oo la yiraahdo Seynab Cali Cigaal oo ii soo dirtay Fiiso iyo lacag badan oo la igu daweeyo”ayuu yiri Axmed Cali Cigaal.

Maxaa lagu xasuusan doonaa Axmed Cali Cigaal?

Axmed ayaa la weydiiyay maadama uu muddo ku soo jiray fanka, waxa uu is dhihi karo waa lagugu xasuusan doonaa?

Waxa uu sheegay in marka uu qofka yahay fannaan inuusan wax badan isaga sifeen karin balse dadka uu heesayo ay sheegi karaan waxaa lagu xasuusan karo fannaan.

“Mid ogow, fannaanku isagu ima yaqaanno waxaa yaqaanna shacabkiisa fannaan kasta oo caamka ku nool, marka anniga maba oran karo waxaas ayaa la igu xasuusan doonaa, jawaabtaas waa tii shacabka”ayuu yiri Axmed Cali Cigaaq oo u warramay BBC Somali TV.

Axmed Cali Cigaal ruwaayadii ugu horreysay ee uu ma talo waxa ay ahayd (Yixaas Dhaga-Duub), waxaana kula jiray fannaaniin dhowr ah.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com