Astaanta calanka Soomaaliya oo aad looga xiiseeyo Jigjiga

0
Astaanta calanka Soomaaliya oo aad looga xiiseeyo Jigjiga

Jigjiga (SK)-Tan iyo markii uu meesha ka baxay maamulkii horre ee dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya, ee madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar, waxaa magaalooyinka deegankaas ku soo laabtey wax yaabo badan oo maamulkii horre uu ka mamnuucay halkaas.

Wax yaabahaas waxaa ka mid ah dharka ku xardhan midabka calanka Soomaaliya, gaar ahaan duruucda ay xirtaan dumarka ayaa hadda qaali ka ah goobaha ganacsiga ee ku yaalla magaalada Jigjiga iyo magaalooyinka kale ee dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya.

Weriyaha BBC-da magaalada Jigjiga, Cabdinaasir Shiikh Maxamed Xikam ayaa soosheegaya in qiimaha dharka ku xardhan calanka Soomaaliga uu qaali ka yahay magaalada Jigjiga isla markaana uu ka qaalisan yahay dharka kale ee dumarka xirtaan.

Weriyaha oo la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada magaalada, ayaa sheegay in horrey looga mamnuucay magaalada Jigjiga dharka ku xardhan calanka Soomaaliya iyo arrimo kale, balse tan iyo markii maamul cusub uu ka hanaqaaday dowlad deeganka Soomaalida waxaa soo laabtay wax yaabo badan oo horrey aan u jirijirin.

Dumar ku xardhan dhar laga sameeyay calanka Soomaaliya

Salma Yuusuf Ismaacil, oo ka mid ah ganacsatada iibisa dharka ku xardhan calanka Soomaaliya, ayaa sheegtey dharkan in ay sitaan midnimada ummadda Soomaaliya isla markaana mar uun ay ku hammin jireen in ay ku iibiyaan magaalada Jigjiga.

“Maanta ka hor ma suuragalin in dhar ku xardhan calanka Soomaaliya lagu xirto magaalada Jigjiga balse maanta waa ay suuragashay Alle ayaa mahad leh oo suuragaliyay”ayey tiri Salma Yuusuf.

Dharka ka sameesan calanka Soomaaliya ayaa hadda laga keenaa dalka Soomaaliya, iyadoo loo iibgeeyo magaalooyinka dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya.

Dadka magaalada ayaa hadda baadigoobaya in ay xirtaan calanka Soomaaliya,waxana dad badan ay ku haminayaan in ay xirtaan calanka Soomaaliya.

Haweeney soo xiratay dhar laga sameeyay calanka Soomaaliya

Maanta ayaan qiraynaa in aan Soomaali nahay

Ubax Yuusuf Shakuul, oo ka mid ah ganacsatada kale ee laga waraystay sababta dharka ka sameesan calanka Soomaaliya ay qaali uga yihiin magaalada Jigjiga, waxa ay sheegtay in labadii bilood ee la soo dhaafay waxa ugu badan ee laga iibsaday ay ahaayeen dharka ku xardhan calanka Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in sababta tahay in dad badan ay maanta yaqiinsadeen in ay yihiin Soomaali dhab ah.

“Maba ogeyn in markii horre Soomaali nahay, hadda ayaan qiraynaa in aan Soomaali nahay”ayey tiri Ubax Yuusuf.

Mar la waydiiyay in hadda ka hor lagu xarakoon calanka Soomaaliya, waxa ay sheegtay in maamulkii horre uu ka mamnuucay deeganka calanka Soomaaliya iyo xitaa in Soomaali ay yihiin dadka ku nool deeganka Soomaalida.

Waxa ay sheegtay in dad badan ay jiraan calanka Soomaaliya in lagu iibiyo magaalada Jigjiga kuwaasoo  u badan qowmiyadaha kale ee dalka Itoobiya.

Si kastaba, weriye Xikam ayaa sheegaya sagaal sanno ka hor duqii magaalada Jigjiga, oo magaciisa la oran jiray Cali Dhacdhac in shaqadiisii uu ku waayay markii wadooyinka magaalada Jigjiga biraha ku taagan uu ku xardhay midabka buulugga ah, kadibna dhaliil looga dhigay in uu u hanqaltaagayo Soomaaliya.

Maanta magaalooyinka dowlad deeganka Soomaalida, sida Jigjiga iyo Diridhabe waxaa darbiyayaasha guryaha lagu xardhay calanka Soomaaliya, sidoo kale ardayda wax ka barta jaamacadaha Jigjiga,  Qabridahar iyo Diridhabe ayaa laga weyneynin caalamad muujinaysa calanka Soomaaliya.

Arrimahan ayaa ku soo beegmay isbaddalka xooggan ee ka socda dalka Itoobiya, gaar ahaan dowlad deeganka Soomaalida.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com