DAAWO: Nuxurka khudbadii wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu ka jeediyey shirka golaha ammaanka QM

0
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad

New York (SK)-Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Sabtidii khudbad ka jeediyey shirka guud ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York.

Khubadda wasiirka oo socotay muddo 20 daqiiqo ah,  ayuu uga hadlay arrimo dhowr ah, sida dhaqaalaha, dimuquraadiyadda, amamanka iyo cunaqabateenta hubka Soomaaliya in laga qaado si ay awood ugu yeeshaan in ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.

Ugu horreyn, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka hadlay horumarada dowladda uu ka tirsan yahay ay sameesay mudaddii sannadkii iyo barka ay jirtay.

“Maamulkeennu waxaa u dhammaatay hal sanno iyo bar, marka waxaa ku faraxsanahay mudaddaas in aan horumar ka sameenay arrimaha ammaanka, siyaasadda iyo isbaddalka dhinaca dhaqaalaha”ayuu yiri wasiir Cawad.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa u mahadceliyey ciidamada AMISOM, ee howgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

“Annigoo ku hadlaya magaca dowladeeda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa aan si cad u lee yahay waxaa la dhacsanahay wiilasha iyo gabdhaha geesiyayaasha ee ka soo shaqeeyay welina ka shaqeeya howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya, waxa ay sameeyeen naf hurid weyn si aan nabad u noqonno taasna walina lama hilmaamayo”ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasiir Cawad ayaa soo hadal qaaday si loo adkeeyo ammaanka waddanka Qaramada Midoobay in ay cunaqabateenta hubka ka qaadaan Soomaaliya si ay hub u soo iibsadaan.

“Cunaqabateenta muddo ayey na saarneed, waxaana mudaddaas nala sintay kooxaha argagixisada ee nala dagaallamaya”ayuu yiri wasiir Cawad.

Mar uu ka hadlayey dhaqaalaha, wasiirku waxa uu sheegay Soomaaliya in ay ku naalooneyso goobta is taraajiyada ay ku taallo iyo kheyraadka uu Alle ugu deeqay iyo doorka dhaqaalaha gobalka uga jirto.

“Soomaaliya waa ay ku faraxsan tahay in ay door hoggaamineed ka qaadato is dhexgalka dhaqaale ee gobalka, iyo in ay door dhexdhexaadin ka qaadato soo afjarista tobanaanka sanno ee la soo dhaafay ee ka jirtay gobalka iyo in ay door ka cayaarto in lagu dhiirado in la joojiyo xabbadda”ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasiir Cawad oo khubadiisa sii wato ayaa ugu baaqay QM in ay ka qaado cunaqabateenta dhaqaale dalka Eretria.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa khudbadii uu ka jeediyey xarrunta QM waxa uu tacsi ugu diray dowladda Indonesia, kaddib markii dalkaas uu ka dhacay dhulgariin kaasoo gallaaftay in ka badan 800 oo qof.

Halkan Hoose daawo khudbaddii wasiirka arrimaha dibadda ee xarrunta QM

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com