Aamin Ambulance: “Walaacii aan qabnay weli waa taagan yahay”

0
Dhaawac ay sidaan shaqaalaha hey'adda Aamin Ambulance ee magaalada Muqdisho

Muqdisho (SK)- Maamulka Adeegga ambalaasyada gurmadka degdegga ah ee Aamin Ambulance ayaa sheegay in weli ay qabaan walaacii ay dhawaan muujiyeen ee ku saabsanaa in ay shaqada joojiyaan maadama ay soo wajahtay dhaqaale yari baahsan.

Madaxa hay’adda gaadiidka gurmadkaee Aamin Ambulance Dr. Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji oo u warramay VOA ayaa sheegay in tan iyo markii ay sheegeen in ay shaqo joojin sameen doonaan haddii aan dhaqaale la siin in weli aysan helin dhaqaalihii ay shaqada u hayaan shacabka ay ku sii wadi karaan.

“Walaacii aan qabnay weli waa uu taagan yahay, howshan 12 sanno ayaa soo wadnay mana aan arkin dowlad ama hey’ad wax ku dhiibaya, marka haddii meesna aan ka baxno waxaa nala baxaya howshii aan ummadda u heynay”ayuu yiri Dr Cabduqaadir.

Qaar ka mid ah gaadidka gurmadka ee Aamin Ambulance [Lahaanshaha Sawirka Aamin Ambulance]
Mar la weydiiyey waxa uga soo baxay kulamo ay la yeesheen wasiirka caafimaadka Soomaaliya iyo duqa Muqdisho, waxa uu sheegay in labada mas’uul ay si isku mid ah ugu ammaaneen howsha ay u hayaan bulshada isla markaana ay la qaban doonaan wax kasta oo karaankooda ah basle aysan weli helin dhaqaale howsha lagu sii wado.

“Waxa noo sheegeen wasiirka iyo duqa magaalada in wax nala qaban doonaan waana ay noo niyad qaboojiyeen iyadoo isku si ay labada mas’uul u bogaadiyeen howsha aan heyno”ayuu yiri madaxa Dr. Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji.

Madaxa Aamin Ambulance oo dhawaan la kulmay duqa Muqdisho

Waxa uu sheegay in howshan ay soo billaabeen 2006-dii xilligaas oo dadka badi ay u arkayeen gaadidkooda kuwa lagu qaado kaliya dadka dhaawacyada basle maanta lagu qaado qeybaha kala duwan bulshada sida haweenka uurka leh, qofka dhaawaca ah, ilmaha shubmaya, ilmaha gubay iyo qofka u baahan xaaladda degdega.

Dhaktarka ayaa xusay in maanta howshii ay hayeen ay korartay oo meeshii hal gaari oo Ambulance ay ka soo billaabeen maanta waxa ay lee yihiin 16 gaari iyo 53 shaqaale kuwaasoo badankood ku shaqeeya qaab iskaa wax u qabso ah.

Dhaktarka ayaa codsaday in laga caawiyo gaari kuwa gurmadka oo ku jira dekadda Muqdisho oo lagu dalacay lacago badan oo canshuur ah si loogu adeego bulshada.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com