Yaseen Shakoor, Agoon kalinimo ku dhintay

Wuxuu ku waayey labadiisa waalid duqeyn ay u geysteen waddamo sheegta inay nabadda ilaaliyaan, inta badan waddooyinka ayuu socon jiray isagoo kaligiis ah isna weydiinaya sababta dhibaatadan loo baday.

Socodka waxaa u sii dheer dacas la’aan keentay inay qodxo iyo burburka dhalooyin cagta ka mudaan dhiiggiisuna daato, maalin ayuu helay joog kabo ah oo Aabbihiis lahaan jiray dharkiisiina waa xirtay maaddaama uu waayey muuqaalkii iyo la joogistii Aabbihiis.

Ma haysto cunto, cabitaan iyo guri uu ku hoydo, Yaaseen Shakoor oo u dhashay dalka Suuriya wuxuu iibin jiray Bacda qashinka lagu guro si uu ugu noolaado, Rooti beryey ayuu inta badan cunaa, Mar waxaa jirtay uu Yaaseen Iskuul dhigan jiray Hooyadiisna ay macsalaameyn jirtay marka uu aadayo Iskuulka.

Laakiin hadda cidi lama noola! qofna ma quudiso, qofna jacayl uma muujiso wuxuu ku sugan yahay xaalad go’doon ama kalinimo ah, wuxuu seexan jiray laamiga qarkiisa xilli qabow aad u daran jiro iyadoo Bacaha uu iibiyo ay ag yaalaan oo wehel u ahaa Bini’aadan la joogayna aysan jirin.
Ma jirin qof gacan qabta oo uu haystay xilligii ugu dambeeyey ee noloshiisa.

Ugu dambayntii waa uu geeriyooday qofna ma duugin ama ma aasin meydkiisa, qofna ma dhunkan, adduunka oo dhan ayaa iska dhego-tiray una ogolaaday in meydkiisu Eeyuhu ku cunaan waddooyinka sida inuusan qiima lahayn.

Yaseen Shakoor wuxuu ka mid yahay kummannaanka carruurta ah ee hadda dhimanaya sheekooyinkoodana aysan saxaafaddu soo tebin.

Xiggasho: Cabdullaahi Nuur Maxamed Colambo

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments