Yaa ONLF uga qeybgalaya shirka Nairobi?

Nairobi (SK)-ONLF ayaa ka hadashay xubnaha uga qeybgalaya shirka maalintii labaad ka socda Nairobi ee u dhexeeya jabhadooda iyo dowladda Itoobiya.

Afhayeenka ONLF oo u warramay VOA, ayaa sheegay in dhinacooda uu shirka uga qeybgalayo illaa far xubnood oo kala ah:-

1- Hoggaanka arrimaha dibadda ahna madaxa guddiga wadahadalada u qaabilsan ONLF.
2-Xoghayah galaha dhexe
3-Dr Cibaado Xirsi oo ka tirsan guddiga fulinta
4-Bashiir Cabdi oo ka tirsan guddiga fulinta

Wadahalada labada dhinac ayaa muddo soo socday, balse waxa ay markii ugu horreysay is hor fadhiisteen ONLF iyo TPLF sannadkii 1989-kii waxaana dhex dhexaadinayey dowladda Suudaan, sidoo kale dabayaaqadii 1990-kii ay kulan kale ku yeesheen Khartuum.

Kulankan ayaa daba socda kulan kale oo ka dhacay isla Nairobi kaasoo aan wax guulo ah laga gaarin.

Ra’iisal wasaarihii horre ee Itoobiya Melez Zanawi ayaa ka codsaday dowladda Kenya in ay dhexdhexaadiso kulanka  2012-kii isagoo ka dalbaday madaxweynihii horre ee Kenya Kibaki.

Wixii xilligaas ka dambeeyay lix kulan ayaa dhex maray labada dhinac balse ma noqon kuwa miro-dhalay.

Afhayeenka ONLF ayaa sheegay in rajo fiican ka qabaan wadahalada hadda u socda labada dhinac maadama Itoobiya ay ka dhaceen isbaddalo la taaban karo oo ay ka mid tahay in shacabka aysan oggolaan karin caburin.

Si cad looma oga wax yaabaha ay ka wadahadalayaan labada dhinac iyo mudadda shirka uu socon doonno.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments