Xulka Soomaaliya oo ka badiyey Itoobiya

0

Bujumbura (SK)-Xulka kubadda cagta da’yarta Soomaaliya ayaa guul ka gaaray cayaar ay la cayaareen kooxda Itoobiya tartanka 17-jirada qaaradda Afrika.

Cayaarta oo ka dhacday caasimadda dalka Burundi ee Bujumbura ayaa waqtigii loogu talagalay ku dhammaatay 3-1 oo ay ku badiyeen cayaartoyda Itoobiya, balse waxaa kooxda Soomaaliya ay ku dacwootay in cayaartoyda u cayaaryey Itoobiya ay da’dooda ka weyn tahay 17 jirada sidaas ayaa dhibaca lagu siiyey xiddigaha caanka ku ah Ocean Stars.

Cayaartoyda Itoobiya in kastoo ay ku guulesyteen haddana waxaa dhibcaha looga qaaday markii ay jabiyeen sharciga u yaalla tartanka bariga iyo bartamaha Afrika CECAFA.

Kooxda qaranka Soomaaliya ayaa ku jirta Group A waxaana kula jiraa wadamada ,Burundi, Ehiopia iyo Kenya.

Koobka waxaa ka qeybgalay sideed waddan oo kala ah Somalia, Ethiopia, Burundi,Uganda, Tanzania, Kenya, Rwanda iyo Zanzibar.

Halkan ka eeg jadwalka tartanka CECAFA U-17 oo la cayaari doonno14th-28th April, 2018

Groups

A: Burundi, Kenya, Somalia, Ethiopia

B: Uganda, Tanzania, Sudan, Zanzibar

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com