Xulka France oo noqday xulkii ugu horreeyay ee gaara wareega siddeeda ee Koobka Adduunka

0
Xulka France oo noqday xulki ugu horreeyay ee gaara wareega siddeeda ee Koobka Aduunka

Moscow (SK)— Xulka France ayaa u noqday xulki ugu horreeyay ee gaara wareega siddeeda kooxood ee Koobka Aduunka ee sannadkaan 2018-ka, kadib marki ay maanta 4-3 ku garaaceen Argentina.

Ciyaarti maanta oo ka dhacday garoonka Kazan Arena ee magaalada Kazan ee dalka Russia waxaa kasoo dhex iftiimay oo xiddignimadiisa tusiyay indhaha caalamka Kylian Mbappe oo ah 19 jir weerarka uga ciyaara kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka France, kaasoo dhaliyay laba ka mid ah goolasha ay ku badiyeen Faransiiska.

Mbappe isaga ayaa keenay goolki koowaad kadib marki lagu jallaafeeyay xerada ganaaxa, waxaana rigoore loo dhigay France daqiiqadii 13-aad gool u beddelay Antoine Griezmann.Argentina ayaase ka daba tagtay waxaana goolki bareejada si qurux badan ugu dhaliyay Angel Di Maria, 1-1 ah ayaana lagu kala nastay qeybti koowaad ee ciyaarta.

Argentina oo sidi ay goolki koowaadba u heshay hamigeedu sare u kacay ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqadii 48-aad ee qeybti danbe ee ciyaarta, ka gadaal marki uu gool u dhaliyay Gabriel Mercado.

Wixii markaasi ka danbeeyay muddo 10 daqiiqo gudahood ah ayay Faransiisku ke dhaliyeen saddex gool oo laba ka mid ahi uu muddo 4 daqiiqo gudahood ah ku saxiixay halka Benjamin Pavard uu saxiixay gool galay mid ka mid ah kuwa ugu qurxan ee laga dhaliyo sannadkaan ciyaaraha aduunka.
Goolka saddexaad ee Argentina waxaa dhamaadki ciyaarta saxiixay Kun Aguero. Sidaas ayayna France ku gaartay wareega sideeda ee Koobka Aduunka.

France waxay la dheeli doontaa xulka Urugauy oo caawa 2-1 uga badiyay xulka Portugal.

Labada gool ee ay ku badiyeen Uruguay waxaa saxiixay Edinson Cavani, halka goolka calanka uu Portugal u dhaliyay Pepe.

Sidaasi ayayna Messi iyo Ronaldo uga hareen isku maalin ciyaaraha koobka aduunka ee sannadkaan 2018-ka.

ISHA: VOA