Xulka England oo gaaray Ruushka (Sawirro)

0
Xulka England oo gaaray Ruushka (Sawirro)

Moscow (SK)- Xulka qaranka ee England ayaa gaaray tuulada Repino, oo ku taalla waqooyiga galbeed ee Ruushka, 48 saac ka hor inta uusan billaabanin Koobka Adduunka.

Xiddigaha Ingiriiskiisa iyo macalimiintooda yaa ka dagay garoonka diyaaradaha St Petersburg, halkaasoo ay joogi doonaan dhowr cisho.

Tababarkii ugu dambeeyay ee xulka England ayuu ku soo qaatay waddankiisa iyadoo Arbacada maanta ay mari doonaan baaritaan caafimaad.

Xulkiisa England ayaa bas ku yimid halka ay ku nastaan cayaaraha ee the ForRestMix oo ku yaalla Repino, waxana 39 miles u jira magaalada St Petersburg.

Cayaartoyda England oo dul saaran diyaarad iyagoo ku sii jeeda Ruushka

23-cayaartoy ee England ayaa waxa baskooda waardiyeenayey boolis illaa inta garoonka diyaaradaha ay ka imaanayeen.

Diyaaraddii sidday xulka England oo ka degtay St Petersburg

Tababaraha xulka England Gareth Southgate ayaa sheegay kooxdiisa in ay soo bandhigi doonto cayaar wanaagsan.

“Waxaan rajaynayaa in aan horseedi doono in ay dadku shaqooyinka aadan maalinka ciyaarta ka dambaysa iyaga oo faraxsan, kuna raaxaystay daawashada ciyaartanada”ayuu yiri Southgate.

England waxay ciyaarta koobaad la dheeli doontaa Tuniisiya Isniinta, sidoo kale waxa la cayaari doonaan Belgium waxayna ku wada jiraan horinta G.

Boolis ilaalinayay baska ay la socdeyn xulka England

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com