Xog ku saabsan yaa wada aragtidada ah in Soomaaliya lakala googooyo!!

0

Sikooban laakiin nuxur leh iyo fahan ayaan ku soo koobaynaa,wax is way diinta ah,yaa wada fikirka ah in lakala qaybiyo umada soomaaliyeed dalkooda? labaan ukala qaadaynaa Taariikhda ayaa cadaysay waana sidan. qoladii hore iyo qaladan danbe. aan ukala qaadno 1 iyo 2.

1.Kala goynta dhulka iyo dadka soomaaliyeed,waxaa keenay oo ina qaybiyay inagoo ah hal dad iyo hal dal,Gumaystihii reer yurub 1884 magaalada baarliin.waxaana sababay,dawladihii reer yurub ee gumaysatada ahaa ayaa ku heshiiyay in ay kala qaybsadaan xiligaa iyo aayaha danbaba khayraadka dalkeena uu leeyahay iyo istaraatiijiyada dhuleed ee uu lee yahay. si kolkaa iyagu aysan isugu dhicin waa ku heshiiyeen dhexdooda inagana waa inoo tashadeen.

Markay ina kala qaybinaayeen,way ogaayeen in dal ahaan iyo dad ahaan ay yaraanayso xoogeenii iyo dhaqaalaheenii maadaama layna kala qaybiyay. way ogaayeen in aynu mustaqbalka dib u dhacayno oo galayno qalalaaso iyo is faham waa siyaasadeed iyo jahawreer.

2. Qolo had iyo jeer la socota Gumaysiga oo u jilicsan,iyagu waa dad soomaaliyeed,oo inala diin ah inala af ah oo kamid ah dadkeena soomaaliyeed.Laakiin waa dad lagu sameeyay saamayn buuxda oo maskaxda loogu shubay ahdaaftaa guracan ee gumaysi kuwaas oo ay si toos ah ula dheceen una qaateen.Hadaba xiligii gobonimo doonka dadka soomaaliyeed ay kula dirirayeen isticmaarka iyo gumaysiga cadaanka ah iyo Ethiopia,waxaa jiray in dadkani ay inaga soo horjeedeen hortaagnaayeen in aan midowno oo lahelo soomaaliweyn.

Waxay dadka dhexdiisa kufaafiyaan qabyaalad iyo in ay dadka soomaaliyeed kala dilaan si ay ufuliyaan hadafka guracan ee ah kalagoynta dalka soomaaliyeed.xiligii hore dad yar bay ahaayeen oo waa laga adkaaday waloow ay inoo gaysteen dhib aad u qaran jabiyay umada soomaaliyeed.

Haraadigii dabadhilifyadii gumaystaha,oo raba in ay hirgaliyaan wali 5 qaybood oo soomaali loo qaybiyay ayaa wali dalkeena ka wada dhagartaa,iyagoo doonaya in wax kalaba daayoo,dawladii soomaaliyeed ee burburtay 1991 hadana dib loo yaqleelay iyadoo ah fadaraal oo leh madaxtooyo golaha fulinta iyo baarlamaan ah golaha shacabka iyo aqalka sare ayay doonayaan in ay kala gooyaan,oo ay mariyaan wadadii iyo mabaadiidi kalaqaybineed ee isticmaar qorsheeyay.

Waxay ka xun yihiin in dadka iyo dalka soomaaliyeed ahaado dal iyo dawlad xoogleh oo mid ah.waxay kasoo horjeedaan israac soomaaliyeed iyagoo aad usii fogaynaya in sadexdii maqnayd aan arimahooda laga hadal oo aan la oranba dalbaa naga maqan iyo dad!! taa badalkeedana waxay wadaan in inta hada midaysan lasii kala gooyo.

Waxay dawladaha dariska ee sida xaqdarada ah ku haysta dadka iyo dhulka soomaaliyeed u sheegaan kuna raali galiyaan in aysan jirin dad iyo dhul soomaali leedahay oo inooga maqan KENYA IYO ETHIOPIA!! iyagoo intaa raali galinaaya gumasytaha iyo cadawga soomaaliyeed kana waramaya dadkoodii iyo dhulkoodii.

AFkaarta iyo fikirka oranaaya kala go dhulka soomaaliyeed maha mid ka yimid maskax soomaaliyeed,waa mid gumaysigu keenay,hada oo gumaysigii laga xoroobayna waxaa wada dadkuu inagu dhex samaystay oo kaxun isaga kana sii cadawsan.kuwa hada oo aan taaganahay wada in soomaali lakala gooyo isla iyaga unbaa waday oo ku taageerayay garabna ku siinaayay gumaystuhu in dalkeena uu kala goo gooyo oo qaybiyo.

Gunaanad iyo Gaba gabadii

Dadka dagan gobolada waqooyi mawada aha kuwo doonaya kala goynta iyo kala qaybinta dadka iyo dalka soomaaliyeed, hasa yeeshee waxaa ku jira tirayaroo adeegayaashii gumaysi ah,kuwaas oo gumaystaha qarsoon sidadban uugu taageero in ay hogaanka bulshada ahaadaan had iyo jeer si ay umada uugu hogaamiyaan jid khaldan una fuliyaan afkaarihii gumaysi ee kala goynta soomaaliya. marwalba iyagu waa fuliyayaal shisheeye.

Si ay u hirgaliyaan fikirkaa foosha xun,waxay dadka usoo maraan qaab qabiil ku kicin,maadaama dadka soomaaliyeed u jilic san yihiin qabiilka. waxay adeegsadaan lacag shisheeyuhu ku maal galiyo oo laaluush ah.waxay dadka ku beeraan in wada jirka soomaaliya ay tahay khalad,waxay u amaanaan dawladaha dariska ee dhulka inga haysta iyo dawladihii reer yurub ee siiyay dhulkeena.

Waxaa nasiib dara ah in shacabkii soomaaliyeed ee daganaa waqooyi galbeed,caruurtoodii lagu beeray in Ethiopianka uu yahay walaal dadka MOGDISHO joogana ay ka jecel yihiin kuwa jooga ADIS-ABABA. arimahan waxa shacabkaa kufaafiyay oo iskoolada iyo meel walba uugu dhigaa waa dadka xukunka haysta oo gumaysi dhabarkooda taagan yahay.Waxaa maanta ku sugan gobolada waqooyi galbeed awooda uugu wayna ku leh Ethiopian,Hargaysa gudaheeda qofkaydoonaan bay xirtaan,dadkuna wuu cabsanayaa oo waa la dulaystay.

Ethiopianku qofkay ka maqlaan soomaalinimo ama mogdisho oo ah caasimadiisii taga sida gabadhii yarad oo abwaanada ahayd ee wadaniyada ahayd ee soomaaliyeed Naciimo Qorane oo Mogdisho tagtay ay u xireen daba dhilifka u adeegaya ethiopianka,dadbaan wali fahmin in meesha dhab ahaan Ethiopian kataliyo iyo daba dhilif soomaali ah oo ka siixun ethiopianka.

Run ahaan goboladaas waxay ku jiraan dulaysi iyo gumaysi aad u foolxun iyo cabsi iyo walwal.Ethiopia salkay dhigatay waxayna aamin santahay in ay dib u heshay dalkeedii oo kamaqnaan waa siday aamin sanyihiin.waxaa hadaba la gudboon shacabka goboladaa dagan in ay is xoreeyaan oo baraarugaan intay goori gortahay.

Waxaan ka hadlaynaa waxaa weeye,dadka goboladaa dagan inta badan waa dad u heelan soomaalinimadooda,mana doonayaan hirgalinta fikirkii gumaysi ee kala qaybinta soomaaliyeed ee layiri BRITISH SOMALILAND IYO ITALIYAN SOMALILAND oo ah hal dad iyo haldal. laakiin dadka waxaa kharibay inta yar ee isticmaarsiga u shaqaynaysa. caruurtii yar yarayd ee soomaaliyeed ayay maxkaxda uugu shubeen afkaartii gumaysi halka la dhisi lahaa soomaalinimadooda.

waxaana hada jirta dhalin yaradii goboladaas waqooyi galbeed in uu ku dhacay xanuun ah qalbi jab kadib markay is waa yeen waxay yihiin,waayo majirto dawlad layiraahdo SOOMAALILAND. markaa caalamkii waxaa kasoo food saaray ciriiri laakiin dadkii ITAALIYA SOMALILAND way iska diideen afkaarta gumaysiga oo waxay xajisteen asalkooda dalkooda iyo dadkooda oo ah in ay yihiin soomaali dalkuna yahay soomaaliya waligiina ahaa hadana ahaan doono. alyacni waa dad ku kalsoon waxay yihiin halka caruurtii waqooyi galbeed la dhumiyay oo ay ku wareer san yihiin waxa ay yihiin?

in sidaa dadkaa loo jahawareeriyo oo ay is garan waayaan waxaa kenay kuwan u shaqeeya gumaystaha oo dad soomaaliyeed oo gob ah ka dhigaya gun hoosaysa oo Ethiopian hoos fadhiya.

Waxaa waajib inagu ah hadaynu nahay soomaali dalka inagaa leh,waxaynu nahay soomaali isku af isku diin isku diir isku dad laynamana kala qaadi karo.kol haday sidaa tahay waa in aan isku kalsoonaanaa ku faanaa oo iskula waynaanaa waxa illaahay inaga dhigay oo ah muslim suni ah oo ah soomaali oo leh dalka soomaaliya. qabiilku waa in hadii loo baahdo laysku gartaa oo kaliya,qabyaaladuna waa jaahilnimo iyo xaaran.

Dalka inagaa leh waa in aynu noqonaa dawlad hogaamisa geeska afrika iyo afrika oo dhan,waa in aynu yeelanaa haybad iyo magac oo ahaanaa dad iyo dal jira.taana waxaan ku helaynaa wada jir iyo soomaalinimo oo kaliya,waxaan ku helaynaa dawlada hada jirta oo aan hiil iyo hooba lagarab istaagnaa.maxaayeelay dal ahaan iyo dad ahaan sharafteena ku jirta iyo jiritaankeena cadawgeenana waa ka adkaanaynaa. kuwa inagu dhex jira ee u adeegaya had iyo jeer shisheeyaha waa in aan gacanbir ah isaga qabanaa.

waxaa xusid mudan in mudo sodon sanadood ah ay MOGISHO keenayeen hub iyo lacag daba dhilifkaa hargaysa fadhiya ee kasoo horjeeda qaran iyo dawlad soomaaliyeed oo ka hana qaada dalkeena. iyagoo raba in ay ku guulaystaan in ay kala gooyaan dalkeena midka ah. Arintan oo waa hore layska garan waayay ayaa ragaadisay in Caasimadeen MOGISHO ay noqon waydo magaalo xasiloon oo nabdoon siday caanka ku ahayd.

Dadkaa xag jirka ah waxay kashaqeeyeen in beelaha koonfureed nasanwaayaan iyagoo goni ogoosad ah hadana isku dir iyo munaafaqad ku gala geeyay dadkii soomaaliyeed ee waligoodba halka ahaa.waxay koonfur u joogaan halaaga umada soomaaliyeed oo ay ladoonayaan qaran jab iyo dawlad la aan. waana halka ay inaga soo galeen nimankan afka duuban ee dadkeenii gawracaya xasuuqaya had iyo jeer.

Digniin waxaan kahadlaynaa maha in dadka shacabka ah iyo ragbadan oo siyaasiyiin ah ee dan dusha laga saaro,waayo waa dad soomaaliyeed dulmigana maha hadafkeena,waxaan kahadlaynaa waa dadka maamulka xukuma ee kashaqaynaya soomaali oo kala goda iyagoo fulinaya fikirkii shalay gumaysigu ku shubay.kuwa leh ethipiaan kaan ka jeclahay soomaalida weeye kuwaan kahadlaynaa dadka soomaaliyeedna aan uuga digayno.

Maha walaalahayo dagan gobolada waqooyi ee ah dhibanayaasha cabursan ee doonaya soomaalinimada sharaftana leh.kamana hadlayno qabiil gaara waxaan haysanaa waa daba dhilif shisheeye ciduu doono ha ahaado.hadafkeenuna waa feejignaa iyo halgan soomaalinimo iyo dawlad nimo taasoo inawada deeqda,hal caasimad waa MOGDISHO hal calan waa buluugaas xidigta cad leh ee shanta gees,hal dawlad waa dawaldaan fadaraalka ah hal madaxwayne waa farmaajo. tanaa inoo wada ah danta dadka iyo dalka soomaaliya.

W/Q: Yuusuf Omar


AFEEF: Aragtida maqaalkan waxa ay gaar u tahay qoraaga laguma lifaaqi karo siyaasadda Tifaftirka ee Soomaalikabe. Mahadsanidiin