Wax qaabadkii madaxwayne Farmaajo & dhaliiilaha laga qabo mudaddii halkii Sanno uu hoggaanka hayay

Muqdisho (SK)- Madaxweyne Farmaajo intuu xilka hayey waxuu Dib usoo Celiyey Sharaftii Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Xabsiyo kaga jirey Ethiopia iyo india.

Waxuu dib u heshiisiin ka dhex sameeyey Maamulka Gobolada dhaxe oo ahaa Degaan labo Maamul ka kala talinayeen Ehlu suna iyo Galmudug.

Waxuu qurxiyey oo lights ku xirey Airportka adan cade.

Waxuu sameeyey Gudi amni oo uu Hogaamiye ka yahey Madaxweyne Farmaajo.

Waxuu socdaal Nabadeed oo wanaagsan ku marey in ka badan 2500kilo mitir,waxuuna Caalamka tusay in Dalka somalia Nabad yahey Maalgashi Caalami ahna u Baahan yahey.

Waxuu dajiyey oo uu wadaa Qorshe Lagu dhisaayo Dekkad ay yeelanayso Magaalada Hobyo.

Dhaliilaha Dowlada uu Hogaamiye Farmajo:

Waxaa Dhacay qaraxii abid ugu weynaa afrika waxaana ku dhintay dadkii ugu tirada badnaa taariikhda somalia iyo qaarada afrika.

Alshabaab oo ah Cadowga somalia laguma qaadin wax dagaal ah aan aheen hool gal kudhufoo ka dhaqaaq ahaa.

Waxaa Markii ugu horeysay Taariikhda somalia la dhiibay Muwaadin soomaaliyeed oo ethiopia lagu raali galiyey(Qalbi dhagax).

Waxaa la isku dayey in la burburiyo Maamulo si dhib badan lagu so dhisay Hirshabele iyo Galmudug.

Waxaa la Weerarey siyaasiyiin aan hubeysneen, laguna diley ciidan ka tirsan qaranka somalia oo ilaalo u ahayd siyaasi Mucaarad ah.

Waxaa la Dilay wasiir ka tirsan Dowlada ilaa hadana xaqiisii Gacan lagu haynin.

Waxaa umada lagu Furay tashwiish fikir oo cadow looga dhigayo Dowlada emaratka walaalna looga dhigayo Dowlada Qatar.

Waxaa lagu soo durkay Xuduuda somalia (Baled xaawo) walina dowlada aysan wax ka qaban.

Waxaa La xaqirey Maqaamka Caasimada oo ay ku nool yihiin shacab dhan 2·5Million.

Wali waxaa xiran Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo balan qaadyadiisii hore ka mid ahayd Madaxweyne Farmaajo in Wadooyinkaas la Furi doono.

Waxaa dhaliilo ka jiraan wasaaradaha qaarkood oo wasiirkii shaqadii uu qaban lahaa Gudiyo kale si nidaam daro ah u qabanayaan,waana tan keentay in wasiiro badan iska casilaan xilka, sida wasiir Maryan qaasin iyo wasiirkii hore ee Gaasaandhiga Abdirashid.

Waxaa lagu eedeenayaa Tuhuna laga qabaa Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa Madaxtooyada in ay wadaan bur burin systemka Faderalismka oo soomaali ku heshiiyeen, Gobolada Dalkana ku dhismeen.
Wali waxaa la Magacaabin xilalka qaar oo Muhiim u ah Dowladnimada sida Wasaarada bidi aadanimada,wasaarada warfaafinta,Taliyaha Policeka,Taliya sirdoonka iwm.

Waxaa Dhaliilo laga qabaa Dowlada in dhalinyaro yar yar ay socialmedia ku siiso lacag Cayda Masuuliyiinta.

Waxaase Muhiim ah in sanadka so socda uu ka Faa,ideysto qaladaadkii hore oo aysan so noqon Mar kale.
Guul baa u rajaynayaa Madaxweyne Farmaajo.

W/Q: Siyaasi Deeq Ali Hayaan (Norway Moss)


AFEEF: Aragtida maqaalkan waxa ay gaar u tahay qoraaga laguma lifaaqi karo siyaasadda Tifaftirka ee Soomaalikabe. Mahadsanidiin

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments