Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo ku wajahan Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (SK)- Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan magaalada Gaalkacyo ee xarrunta gobalka Mudug.

Magaalada waxaa maantadii horre gaaray wafdi uu hoggaminayo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf kuwaasoo ka yimid magaalada Cadaado.

Wafdiga wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ee Gaalkacyo ku wajahan ayaa ka mid ah xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya.

Wafdigan ayaa hordhac u ah wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya oo maalmaha soo socda tagaya magaalooyin ku yaalla Galmudug sida Gaalkacyo, Caabudwaaq iyo Dhuusamarreeb.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa maanta oo Jimco ah ku sugan magaalada Boosaaso ee xarrunta ganacsiga Puntland.

Magaalooyinka ku yaalla goballada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa laga dareemayaa diyaargarow xooggan oo ku aadan soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha Soomaaliya.

Halkan ka daawo sawirro muujinaya diryaargarowga ka socda magaalooyinka Galmudug.

_SOOMAALKABE_

Soomaalkabe@gmail.com