War-murtiyeed laga soo saaray shir madaxda maamul goballeedyada uga socday Baydhaba

Nairobi (SK)- Magaalada Baydhaba ayaa waxaa maanta Arabaca ah lagu soo gabagabeeyey shir ay la haayeen golaha iskaashiga maamul goballeedyada Soomaaliya kaasoo socday muddo saddex cisho ah.

Kulanka oo ay ka soo qeybgaleen madaxda maamul goballeedyada Koonfur Galbeed,Puntland, Jubbaland, Galmudug, HirShabeelle iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka ayaa intii u socday waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, siyaasadda iyo xaaladda bini’aadinimo ee dalka ka jirta.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay dagaalka ka soo cusboonaaday deeganka Tukaraq ee gobalka Sool, waxaana ay ay ku baaqeen in dagaalka degdeg loo joojiyo.

Iyagoo sidoo ka hadlay dagaalka ka soo cusboonaaday deeganka Tukaraq ee gobalka Sool, waxaana ay ay ku baaqeen in dagaalka degdeg loo joojiyo.

Sidoo kale, hoggaamiyayaasha maamul gobolleedyada, ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin xiririka sii xumaanaya ee dawladda federaalka iyo dawladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Madaxda maamul gobolleedyada ayaa ugu baaqay dawladda Soomaaliya inay dhankeeda ka shaqayso hagaajinta xiriirkaasi iyadoo la eegayo ayey yidhaahdeen danta shacabka Soomaaliyeed.

Gabagabadii shirka ayaa madaxdu waxa ay ka soo saareen war-murtiyeed ku qoran afar qodob.

Waa shirkii labaad oo ay yeeshaan golaha ay mideysan yihiin maamul goballeedyada.

Halkan Hoose ka akhriso

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments