War Cusub: Madaxweynaha Puntland oo eryey saraakiil ciidan

0

Garoowe (SK)-Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Arbaca ah shaqada ka eryey agaasimayaashii hey’addaha sirdoonka PRA iyo agaasimaha hey’adda amniga Puntland PIA.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegya in madaxweynaha xilka Qaadis Ku Sameeyay Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA, lama sheegin wax sabab ah oo ku saabsan ceyrintooda.

Xeer Madaxweyne Lr. 71 June 13 2018, kuna saabsan Xilka Qaadid Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA.

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Muhiimadda ay leeyihiin Hay’adaha Amniga.

Markuu tixgaliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta

Wuxuu Xeeriyey:

1.Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PIA ka qaaday Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo).

2. Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PSS ka qaaday Cabdulaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi Ulle).

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

 _SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com