WAA MAXAY SOON?

Akhristow, erayga Soon asal ahaan waa eray Carabi ah oo micnihiisu yahay (Joojin). Faham ahaana waa in la joojiyo Cunista, Cabista, iyo Waxyaabaha Alle Xarimay iyadoo laga Bilaabayo Wakhtiga Fajriga (Salaada Subax ka hor) ilaa Qoraxda ka dhacdo (Maqrib) iyadoo Niyad la jirto.

Qeexidaan waxaan ka Fahmeynaa in si uu Soonkaaga Aqbal u ahaado lagaaga baahan yahay inaad iska ilaaliso Arimhaan Hoos ku Qoran:-

1- JOOJINTA CUNISTA.

Waxkasta oo la Cuno ama la Cabbo ha ahaadaan Raashinka Caadiga ah ama Miraha Khudaarta iwm, Faleebooyinka iyo Irbadaha Nafaqada ee Raashiin ahaan la isku siiyo xitaa qeyb ayey ka yihiin Waxyaabaha Soonka Buriya.

2- GALMADA SOONKA WEY BURISAA.

Muslimiinta markii hore Bisha Ramadaan oo dhan Mamnuuc ayey ka aheyd iney Dumarkooda Haweystaan, laakin markii Dambe Alle ayaa Habeenkii u Fasaxay, ka dib markii ay Naftooda Khiyaameen Alle ayaase ka Cafiyay, oo Allaah wuxuu yiri:-
“أُحِلَّ لَكُمْ لَيْلَةَ الصِّيَامِ الرَّفَثُ إِلَىٰ نِسَائِكُمْ ۚ هُنَّ لِبَاسٌ لَّكُمْ وَأَنتُمْ لِبَاسٌ لَّهُنَّ”
Waxaa la idin Xalaaleeyay Habeenkii Soonka inaad u tagtaan Dumarkiina iyagu waxay idin yihiin Dhar, idinkana waxaad u tihiin Dhar.

3- WAXYAABAHA ALLE XARRIMAY SOONKA WEY BURIYAAN.

Waxyaabaha Alle Xarimay oo dhan Soonka wey Buriyaan in Been la sheego in Dadka la Xanto, la Caayo ama lala Dagaalo, in Waajibaadka Rabbi sida Salaada aad ka tagto iyo kuwa kale oo badan Soonka ayey Buriyaan.

YUU KU WAAJIBAA SOONKA?.

Soonku wuxuu Waajib ku yahay Muslim kasta oo Qaangaar ah, Caaligiisuna taan yahay.

Alle wuxuu yiri:-
( يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ كُتِبَ عَلَيۡكُمُ ٱلصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تَتَّقُونَ).
(Duulkii Alle Rumeeyoow waxaa la idinku Waajib yeelay inaad Soontaan sidii loogu Waajib yeelay kuwii idinka Horeeyay waxaad u dhowdihiin inaad Dhowrsataane).

(Eebow Caafimaad nagu Gaarsii Ramadaanka).

W/Q:- Macoow Ustaad

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments