Soomaaliya: Waa imisa ardayda u fadhiisaneysa imtixaanka shahaadiga dugsiga sare ee 2017-2018?

Muqdisho (SK)- Wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa maanta sheegay in 19-ka bishan Maajo uu billaaban doono imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare, iyadoo ay ka qeybgalayaan 27,600 oo arday.

Wasiirka oo saxaafadda u warramay maanta ayaa sheegay in imtixaanka mideysan ee dusiga sare lagu qaban dooono 120 xubnood oo ku kala yaalla gobalka Banaadir, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wasaaradda waxbarashada ay diyaaar garow xoogan ku jirto sidii imtixaanka uu u qabsoomi lahaa.

“Wasaaradda Waxbarshada iyo Hidaha Tacliinta sare waxay ku jirtaa Diyaargarow aad u weyn oo lagu doonayo ka mira dhalinta howlaha Imtixaan, Sida aan hore u shaacinay bishan May ee aan ku jirno 19-keeda waxaa dhamaan ardeyda dhameysaneysa Waxbarshada dugsiga sare ee sanad dugsiyeedka 2017/18 ay u fariisan doonaan Imtixaanka Shahaadiga”.ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Daahir Cismaan

Wasiirka waxbarashada waxa uu xusay 1,400 oo arday oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarrunta  gobalka Hiiraan aanay nasiib u heli doonin sannadkan in ay ka qeybgaaan imtixaanka mideysan sannadkan,sababo la xiriira fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyay magaaladaas.

“Waxaa iyana xusid mudan in Fatahaadda Wabiga Shabeelle dartiis uu dib u dhacay 1,400 oo arday oo sannadkaan Imtixaanka dugsiga sare ku gali laheyd Magaalada Beledweyne, waxaan ardaydaa u ballanqaadeynaa inuusan dib u dhacaasi saameyn ku yeelan doonin natiijadooda iyo deeqihii waxbarasho ee ay heli lahaayeen hadii ay xaalada caadi kusoo laabatana ay Imtixaankooda gali doonaan”ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sarre ay ku guuleysatay in markii ugu horreysay 27 sanno kaddib gudaha dalka lagu diyaariyo dajinta, keydiinta, xifdinta imtixaanka iyadoo horrey loogu qaban jiray dibadda, Qarashka xitaa dowladda ayaa bixisay.

Imtixaanka mideysan ee dalka marka laga reebo Puntland, Somaliland iyo deegannada Shabaab ay gacanta ku hayan inta kale waa ay ka dhacayaan.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments