Trump oo ka hadlay maxaabiis Mareykan ah oo laga soo daayey Kuuriyada Waqooyi

Donald Trump welcomes back three Americans released by North Korea

BREAKING: President Donald Trump personally welcomes back three Americans as they arrive at a military base outside Washington after their release from North Korea https://cnn.it/2KLEBqR

Gepostet von CNN am Donnerstag, 10. Mai 2018

JOINT BASE ANDREWS, MD (SK) — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa tagay xero ciidamada ay ku lee yihiin garoonka diyaaradaha ee Maryland halkaasoo uu kula kulmay saddex qof oo ay soo deysay xukuumadda Pyongyang.

Trump ayaa u mahadceliyey Kim Jong Un sida uu damanaad qaadday sii deynta maxaabiistan, isagoo sheegay in ay muujineyso sida u soo hagaagayo xiriirka labada dal.

Sii deynta raggan ayaa faah-faahintooda la shaacin doona dhowrka maalin ee soo socda ka hor kulanka Trump iyo Kim.

Raggan labo ka mid ah ayaa ahaa macallimiin halka qof kale uu ahaa nin diinta masixiiga faafiya.

 

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in xilliga, bisha iyo goobta ay ku kulmi doonaan isaga iyo dhiggiisa kuuriyada waqooyi la isku afgartay.

Waxa ay u badan tahay oo la aaminsan yahay in lagu kulmo goob dhex dhexaad ah oo ah dalka yer ee Singapore kaddib markii Mr Trump ka baxay in uu kula kulmo Un aagga ka caagan hubka ee ku yaalla xadka labada dal ee waqooyiga iyo Koonfurta.

Dhinaca kale, qoraal ay soo saareen ragga la soo daayey ayaa lagu sheegay in ay ku faraxsan yahay in ay dib u helaan xorriyadooda.

Waxa ay yiraahdeen “Waxaa ku faraxsanahay in aan dib ugu soo laabanno Mareykankanka, dowladda Mareykanka, madaxweyne Trump, xoghaye Pompeo, iyo dadweynaha Mareykanka ee na soo dhaweeyay”

Raggan ayaa hadda loo qadday xarrunta caafimaadka tijaabada ee Walter Reed National Military.

Diyaarad helicopter ayaa ka soo degtay garoonka diyaaradaha Maryland, waxaana halkaas ku sugnaa Mike Pence madaxweyne ku xigeenka Mareykanka.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments