Taliyaha ciidamada xoogga oo booqday Baarsanguuni oo lagu dilay askari Mareykan ah

0
Taliyaha ciidamada xoogga oo ka dagay Kismaayo

Kismaayo (SK)-Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarrunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas uu gaaray maanta wafdi uu hoggaaminayo taliyaha ciidamada xoogga dalka Gen.Cabdiweli Jaamac Gorod iyo saraakiil kale.

Wafdiga ayaa markii horre toos u tagay saldhigga ciidamada dowladda ay ka joogaan Baarsanguuni oo ka tirsan gobalka Jubbada Hoose, halkaasoo dhawaan lagu dilay askari Mareykan ah afar kalena lagu dhaawacmay kaddib markii Shababa ay soo weerartay.

Taliyaha ciidanka xoogga ayaa la kulmay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan Baarsanguuni oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamada dowladda.

Mareykanka oo askarigii labaad looga dilay Soomaaliya muddo labo sanno gudahood

Intaas kaddib wafdiga uu hoggaaminayo taliyaha ciidamada xoogga ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, isagoo hadda ku sugan xarrunta madaxtooyada Jubbaland.

Weriyayaasha ku sugan Kismaayo ayaa soo sheegaya in taliyaha ciidamada xoogga uu kulan la lee yahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) isla markaana ay saxaafadda shir jaraa’id u qaban doonaan.

Mareykanka ayaa muddo labo sanno gudahood waxaa Soomaaliya looga dilay labo askari waana markii ugu horreysay oo tan iyo 1993-dii xilligaas oo 18 askari oo Mareykan ah lagu dilay bartamaha Muqdisho halkaasoo uu dagaal ku dhex maray iyaga iyo ciidamadii Jeneraal Maxamed Faarax Ceydiid.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com