Soomaalidu darajooyinka aqoonta si fudud oo bilaash ah ahayey ku gaaraan

0

Waxaan nahay bulsho han weyn,balse hanqal-taagooda aan raacin rucleyn ama u xusul-duubid ah,in qofku uu aqoon raadiyo si darajo xagga cilmiga ah oo cayiman u gaaro.

Aqoon wakhti dheer loogu talagalay in lagu barto ayaad arkeysaa qof sheeganaya oo loogu yeerayo sida ENG ama Dr,Siyaasi amaba Suxufi.

Inta badan labada cilmi ee ugu horeeya,waxaa dhicikarta magac ahaan in dadka qaar ay iska jecelyihiin in loogu yeero bulshada dhexdeeda,balse aaney si fudud ku dhicikarin in ruuxu uu dhaho Eng ayaa ahay ama Dr ayaa ahay ,oo fafeexad iyo ceeb ayuu ka dhaxlayaa haduu sidaas yiraahdo islamarkaana cilmigeeda aanu lahayn.

Waxaase caam noqotay in si sahal ah qofku uu u noqdo Siyaasi ama suxufi.

Dadku inta badan kama fakaraan barashada culuumtan ka qaar,mana is-weydiiyaan bal horta ma ku wanaagsantahay xirfadda wariye-nimada ama darajada Siyaasadda oo ah hogaamin dad ama bulsho.

Waxaana inta badan keenay in aqoontan Soomaaliya gudaheeda la bahdilo oo la ceebeeyo dawlad la’aanta oo ay la socoto fowdo iyo kala danbeyn la’aanta.

Waxaa sii suuragaliyey xakameyn la’aanta laamaha warbaahinta xorta ah ee hanaqaaday sagaashameeyada ka dib,oo qabaa’ilku iyo shakhsiyaadku si xor ah daaha uga rogeen warbaahin xor ah sida Radio-yo,Wargeysyo,iyo waliba Tvyo isasoo taraya xilliba wakhtiga ka danbeeya,

Si la mid ah noqoshada Siyaasi ayaa waxaa gududeeyey qab-qable beelnoqosho,furashada xizbi Ama urur siyaasadeed,iyadoo loo eegeyn aqoon iyo ku haboonaan.

Waxaana si dhab ah gabiahaanba u lumay tayadii iyo nuxurkii xirfadaha axafinimo iyo magacii Siyaasadda ama siyaasiga

Looma aabo yeelin wakhtul xaadirkan iyo xilliyo dhawaaba xulashada shaqaalaha warbaahinada,iyadoo macnaha iyo arinku noqotay uun yaa hadlikara!

Waxaa timid wiilka ama gabadha ii shaqaaleysii,heerkaas markey gaartay waxaa meesha ka baxday wax la yiraahdo tayo saxaafad amaba wariye-nimo,oo bulshada oo idil waxaa u sawirmay in si sahal ah Suxufi lagu noqonkaro,xilli wax dadaal ah aan lagu bixin,wakhti dheeri ahna aqoontaas aan la baran.

Waxaana nuxurka ka danbeeyo uu noqday hel magac ama shilimaad yar, iyadoo la dacal maray macnaha xaqiiqada ah ee loo halo Siyaasadda iyo saxaafadda oo ah hiwaayad ama hibo in uu marka hore uu u leeyahay arinmahan labada ah,iyadoo shardi ay tahay in laga helo qofka alaamado afnimo xilliyga uu da’ yaryahay oo markaa naftiisa uu u arko in uu noqonkaro Siyaasi amaba wariye,bulshaduna u aragto.

Sidaas si la mid ah ayeynu wada ognahay wadiiqada loo maro noqoshada siyaasi,oo ay kaaga filantahay in qabiilka kalsooni ka haysato,gaar ahaan oday dhaqameedkaaga,

Iyadoo si Sahal ah aad markaa ku noqoneyso Wakiil baarlamaan,ama Wasiir,ku xigeen ama wasiiru dawlli.

Waxaan ku magacaabikaraan darajooyin iyo xirfad la bahdilay oo sharaftii laga qaaday,

Gabagabadii waxaa ay mareysaa hadda,Ina adeerkeyba meel sare ayuu saxaafadda ama siyaasadda ka gaaray,alleylehe anna Suxufi ama siyaasi noqdo.

Waxaan ku boorinayaa bulshada Soomaaliyeed in banaanka ay ka istaagaan labaas boos hadii ayan ehel u ahayn oo ayan ku wanaagsaneyn aqoon iyo kartiba.

W/Q: Maxamed Cumar Abiib


AFEEF: Aragtida maqaalkan waxa ay gaar u tahay qoraaga laguma lifaaqi karo siyaasadda Tifaftirka ee Soomaalikabe. Mahadsanidiin