Somaliland oo maalintii 4 uu ka socdo ololaha Talaalka Jadeecada

0

Hargeysa (SK)-Maagaalooyinka iyo deegannada Somaliland, waxaa maalintii afaraad ka socda ololaha talaalka looga hortagayo cudurka Jadeecada.

Ololahan ayaa waxaa daahfuray madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxaana iska kaashanaya wasaaradda caafimaadka iyo hey’addo calaami ah sida UNICEF iyo WHO.

Carruurta la talaalayo ayaa da’dooda u dhexeysaa sagaal bilood jir illaa sagaal sanno jir, sida uu BBC-da u sheegay Dr Mustafe Maxamed Axmed oo ka howlagalla isbitaalada magaalada Hargeysa.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com