SIRTA FARXADDA NOLOSHA. Qeybta Labaad

Qof kastoo baniaadmi ah wuxuu baahi weyn u qabaa farxad joogta ah oo waarta wuxuuna Ku raadiyaa si kasto oo uu Ku Heli karo xitaa haddey Naftiisa wax u dhimeyso tusaale ahaan Dadka qaarkii Farxadda waxay Ka raadiyaan Balwad ay isticmaalaayaan sida cabitaan khamri,isticmaal daroogo amo cunis qaad.dhamaan Dadku inta ay isticmaalayaan Balwadaasi nuucey doonto ha noqotee waxay dareemayaan Farxad qiyaali ah( Artifishal Happiness) oo muddo gaaban uu qofku dareemaayo.sideedaba Aqoonyahanada barta cilmi nafsiga waxay tilmaameen iney jirto 7 nuuc oo Farxad ah waxaanan qormooyinka soo socda kusoo qaadan doonaa nuucyadaasi balse waxaan rabaa inaan idin soo qaado sheeko Ka hadleyso Nin la yiraah MA FARXE,Sideedaba waxaa Jira Laba ruux oo aala dadka loo qeybiyo Qof faraxsan iyo Qof aan Faraxsaneyn.Hadaba maanta qisadan waxay Ku saabsan tahay saaxibkeey MA FARXE oo ah qof xirxiran mar walbana aan faraxsaneyn.

MA FARXE wuxuu qabay Naag waxayna Naagta maalin maalmaha ka mid ah ay MA FARXE Ka codsatay
inay soo booqdaan guriga Hooyadeed iyo Aabeheed markii ugu horreysay tan iyo intii ay ninkeeda MA FARXE ay is guursadeen.xaaskii MA FARXE waxay jecleysatay in inta aanay booqanin guriga waalidkeed iney soo iibsato Katiinad amo Silis Dahab ah si ay gurigooda u tagto iyadoo sidata Silis Qurux badan Una muujiso iney guursatay Nin fiican oo jecel. Naagti MA FARXE waxay u sheegtay inay haysato Laba Jijin amo gacan-gashi ay rabto in loogu soo bedelo Katiinad amo Silis qurxoon,haddii ay siliskaasi xiratana ay dadka gurigooda jooga ay Ku farxi doonaan sumcad badana ay Heli doonaan.MA FARXE waa uu Ka oggolaaday codsigii xaaskiisa,haseyeeshee waa baqiil wuxuuna u sheegay inuu u geyn doono labadaan Jijin Nin Dahable ah si uu u farsameeyo MA FARXE wuu qaaday Jijimihi wuxuuna u geeyay Dahablihii wuxuuna u sheegay codsigii xaaskiisa isagoo raaciyay inuusan haysan Lacag badan.Ninkii Dahablaha ayaa Ku yiri suurtagal ma ahan in Labadaan Jijin amo Gacna-gashi in Silis qiima leh oo Dahab ah laga sameeyo kadib MA FARXI xaal baa Ku cadaaday wuxuu Dahablihii Ku yiri Maxaan Sameeyaa? Dahablihii wuxuu Ku jawaabay xal baan kuu hayaa,MA FARXI waa uu soo booday wuxuu yiri Fadlan ii sheeg xal waa u baahnahaye.

Dahablihii wuxuu Ku yiri MA FARXE waxaan kuu hayaa Dahab u eke Artfishal Gold oo Qurux badan oo marka kor laga arko Dahab la moodo lacag badana aan ugu fadhisan doonin MA FARXE Farahuu Ka dafay Ra’yigii mar haddii aanu u baahneyn lacag Fara badan.MA FARXE waa uu kasoo qaaday Dahablihii Katiinadi amo Siliskaasi Dahabka u ekaa wuxuuna u keenay.

Halkan ka dhageyso SIRTA FARXADDA NOLOSHA Qeybta koowaad

Xaaskiisii oo sugeysay,wuxuuna u sheegay wixii uu Kala kulmay Dahablihii isagoo runta u sheegay,xaaskiisa wey oggolaatay waayo Qurxdiisa ayaa soo jiifay. Ileen Ninkeeda wey taqaanaa inuusan gacan furneyn.MA FARXE iyo xaaskiisii waxay soo aadeen gurigii xaaskiisa si ay usoo booqdaan waalidkeed. markii ay soo galeen gurigii si weyn ayaa loo soo dhaweeyay Hooyadii iyo Aabihii,waxaa kaloo joogay walaalkeed iyo xaaskiisa.markii ay fariisteen kuraastii ayay xaaska walaalkeed waa Dumaashideede waxay Isha Ka qaadi weysay Katiinadi amo Siliskaasi ay xirneyd xaaska MA FARXE weyna Ka maseertay waxayna markiiba u yeertay ninkeedii waxay si adag uga Dhalabtay Katiinadi walaashiis ay xirneyd mid la mid ah oo ay u qaadatay inuu yahay Dahab haddii kale Carro nabad ineysan noqoneynin waliba uu u keeno sida ugu Dhaqsiyaha badan intaanay laaban walaashiis iyo ninkeeda.walaayaal maanta halkaan aan Ku joojinaa waa noo berito iyo inaan dhameysto qisadan po aan hubo inaad wax badan Ka baran doontaa.

W/Q: Danjire Cabdiraxmaan Nuur Diinaari


AFEEF: Aragtida maqaalkan waxa ay gaar u tahay qoraaga laguma lifaaqi karo siyaasadda Tifaftirka ee Soomaalikabe. Mahadsanidiin

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments