Sheekho Jaceyl oo qalbi jab ah (Waana xaqiiq)

0

Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran Dagalka Soomaalikabe, waxaa u soo gudbineynaa sheeko jeceyl oo dhab ah, Mac-salaameyntii ugu dabeysay oo ay la socotay dhunkasho iyo laab is galin>

Waxa ay ku billaabatay arrin iska yar aadna u fudud oo ahayd aragtida gabar qurux badan oo dhex socotay jaamacadda aan wax ka dhigan jiray, muddo laga joogo dhowr sano.
Waxaan u dhaqaaqay xageeda, waana la hadlay.

Waxa ay ahayd gabadhii ugu quruxda badneyd uguna dabeecadda wanaagsaneyd ee aan la kulmay nolosheyda intaan dunida joogay.

Guud ahaan inti ay wax barashada jaamacadda ii socotay, waqtigeygi iyada ayaan la qaatay waana is jeclaannay labadeennaba.

Laakiin taasi ma ahayn mid sii socon kartay, sababtoo ah waxa ay ahayd gabar ajnabi ah oo u dhalatay wadanka France, iimana suurtoobi Karin inaan guursado guursado ama aan u raaco wadankeeda, waayo qarash ma heysanin.

Intii aan wax barashada jaamacadda wadnay, maalin kasta waqti ayaan isla qaadan jirtay, waayo waxaan ogeyn in uu waqtiga nagu yaryahay oo aynaan isla sii joogi doonin.

Maamilnba maalinta ka dambeysay jacaylkeenna ayaa sii kordhayay, waxaana dareemeynay in aynaan kala maarmin.
Waxaa noo dhamaatay Jaamacaddii, waxaana la gaaray maalintii ay dib ugu laaban lahayd wadankeeda, murugo aan markii horeba sii ogeyn ayaa nagu noqotay sidi wax cusub oo kale, waana walbahaarnay.

Maalinti ay baxeysay maalinti ka horeysay oo dhan oohin ayaan ku dhameysanay labadeennaba.

Waddo kale iima aysan furneyn, waxaana ku qasbanaaday in aan u soo sagootiyo garoonka diyaaradaha.

Si fiican ayaan wajigeeda indhaha uga buuxsaday, waana sii eegayay ilaa inta ay diyaaradda ka fuuleysay.

Ka hor inta aysan diyaaradda fuulin waxaan siiyay macsalaamadii ugu dambeysay, hab ayaan siiyay, waana dhunkaday.

Maadaama aysan ogeyn inaan dib u kulmi doonno waligeen dambe, waxa ay iga codsatay inaan dhex galo boorsada ay wadatay si aan ula tago France. iyada dhab ayey ka ahayad, Laakiin taas ma sameyn Karin aniga, waxaana ku qasbanaa inaan iska joogo.

Maadaama aan kala fogaaneyno, waxaan ogeyn inaan dhibaato badan u mari doonno xasuusta na dhex taallay iyo xiisaha aan isku qabi doonno, sidaas darteed waxaan isku waafaqnay inaan iska gubno dhamaan sawirrada aan iska heynay, si aysan dhaawaca noogu cusbooneysiinin mar kasta oo aan aragnoba.

Wey dhooftay, anigoo caga jiidaya ayaan isaga soo tagay Garoonka diyaaradaha.

Xiligaas wixii ka dambeeyay, maalin kasta waxaan rajeyn jiray in aan dib u arki doono gabadhii aan is jecleyn.

Waxaan ku rajo weynaa Inaan mar kale laabta galin doono isla markaana arki doono iyadoo dhoolla cadeyneysa anigana aan dareemayo jacayl weyn oo gudaha ah.

Aduunyadu waa cajiib, waxaad fileysay mooyee wax kale ayaa iska soo booda.

Nasiib darro, waxaan ogaaday in gacalisadeydi ay is dishay April 12, 2013, kadib markii ay u adkeysan weysay qalbi jabka iyo walaaca kasoo food saaray kala fogaansheheenna.

Akhbaartaan waxay isoo gaartay 1 bil kadib markii ay iyada dhimatay.

Mudadaas bisha ah inta aanan ogaanin musiibada dhacday, qalbigeyga waxaan ka dareemayay culeys fara badan iyo walwal dheeraad ah, waxaana la yaabanaa waxa dhibka ah ee iga heystay qalbiga, ileen waxaaba dhimatay qofti aan dunida ugu jeclaa.

Tan iyo waqtigaas, waxaa aad iigu adag in aan gabar kale la sameeyo Jacayl, waayo qoftii ugu horeysay ee aan jeclaaday waxa ay ahayd gabadhaas, waana waayay.

Ilaa iyo hadda, ma jirto 1 maalin oo aanan ka fakarin, waan u xiisaa maalin kasta.

“Ms Jeannette, Aad ayaan kuu jeclahay, aad ayaana kuugu xiisay, maalinti aad iga tageysay, waxaa ii fiicneyd inaan diyaaradda kula raaco.”

(Jeannette Fleur, waxa ay nooleyd intii u dhaxeysay August 15, 1993- April 12, 2013).

W/Q: Abdishakur Asowe