Sheekada: Muna Keyf

0

Runtii waa qof cajiib ah, maalinba maalinta ka dambeysa waxaan u qaadaa dareen iyo jacayl hor leh. Ka ma walwalo arrin ay gacanta ku hayso, waayo waxaan dareemaa in ay tahay masuul kan ugu wayn, kalsoonida ugu wayn waxay i gashaa markaan arko dhaldhalaalka labadeenna carruur iyo habka ay u daryeesho. Waa qof uu Alle dhankaas ka dhamaystiray, dhaliilna uusan uga yeelin.

Toddoba sanno ka hor, waa markii aan dhameeyay wax barashadeydii heerka labaad ee jaamacadda, kuna soo noqoshaday dalka ayaan ka shaqo bilaabay hay’ad caalami ah. Doob uurka ku haya guur, gabar, guri iyo Guuleed ayaan ahaa. Waa se cajiib qaabkii aan ku arkooday Muna.

Xilli galaba ayaan ku daahay xafiiska. Si degdeg baan ku soo degay oo koox asxaab ah aan kubadda wada ciyaarno ayaa i sugaysay, ma xasuusto qaabkii aan ahaa, waxaan se ogahay in aan kabaha ku dhex xirtay baabuurkii i gayn lahaa gurigeyga.

Markaan u sii dhawahay baabuurka ayaan maqlay cod naxariis leh oo i leh “Maxamed maanta maxaadan u qadayn?” markaas baan soo xasuustay in aanan qadaynba. Si fiican u ma fiirin qofka sidaas i leh, laakiin fallaaraha la socday codkeeda naxariista leh waa kuwa dhiig ka keenay wadnaheyga, ma aqaan sidaan noqday, maba ihi ninkii degdegsanaa. Dhiigga dhan ayaa i qaboobay oo wax walbaa waxay noqdeen kuwa si deggan ku dhaca. Uma jawaabin sababtoo ah way iga yara fogeyd, anna darawalkii baan iri, fadlan ina dhaqaaji. Markii aan gaarnay hooygii aan degnaa ayaan darawalka ka dalbaday in uu i sugo. Waxaan toos u galay qolkeygii, si dhaqso leh baan dharkii aan kubadda ku ciyaari jiray u soo qaatay, ka dibna waxaan tagnay garoonka. Waan soo cayaaray, kuna soo laabtay guriga. Wali wax baa iga dhex guuxaya, waayo sanado badan ma arkin qof i dhaha maxaadan wax u cunin, oo is koris baan ahaa.

Subaxii xigay waxa aan u kallahay shaqada. Kolkii aan xafiiska galay ayaa u yeeray Muna, kana codsaday in ay ii keento biyo qaboow. Sonkorta aad baan u jeclahay, waana sababta aan ugu dhaho mar walba “Sonkortana anigaa ku darsanaya.” Daqiiqado yar ka dib waa ba tan ii keentay, sidii caadada ahayd markaan howshu uma socoto, oo sokortii iyadaa ku soo dartay, in ay igu yartahay baan dareemay, waxaanan ka codsaday in ay sonkor ii keento. Si deggan bay igu tiri, “Waayahay maamule, balse talo ahaan kuu ma wanaagsana, oo haddaan noloshaada go’aan ku lahaan lahaa kuu ma oggolaadeen.” War gabadhu abbaari ogaa qalbiga! Waa tan maantana ii diidday in aan shaqeeyaba, ka fikiridda hadalkeeda ayaana ii noqday hawl. Xilli casirkii ay tahay baan soo degay oo aan ka codsaday qado in ay ii keento, anigu se qadada markaan uma socdo, ee ka ogaanshaha wax badan xaaladda Muna ayaan maanka ku hayaa, war se meeshii aan uga bilaabi lahaa ayaan la’ahay.

Een fiiri, Munooy, abbaaayo, een, micnha qadada ma arkinoo, een, intaasba waan dhaafi la’ahay. Iyaduna waxay i leedahay, “Hee abboowe, maxaa ka qaldan qadada? Ii sheeg fadlan.” Alla yaa u sheega in aniga wax iga qaldanyihiin! Hal mar ayaan se si geesinnimo leh ku iri, “Fariiso haddii aysan hawl kuu dhinnayn.” Waaba tan i soo eegaysa. Qaab dhismeedkeedka jirkeeda waxaaba ka darran indhaheeda waa wayn iyo gacmaheeda cad cad, “Muna waa tuma” ayaan uga bilaabay war? Inta qososhay bay si sahlan igu tiri, “Waa gabadha cuntada idiin karisa ee haddii ay rabto hadda ku dili karta oo cuntada sun kuu gu dari karta.” Ka dib ayay la soo boodday “Alla waa kaftan Abboowe, maxaadse su’aashan maanta ku keentay?” Waa cusub oo nolosheyda u furmay ayay sabab u ahayd su’aashaas, halkaas waxaa inooga bilaawday aniga iyo Muna maalma la yaabkooda lahaa, muddo 4bil kad dib ahna Muna waxa ay joojisay shaqadii ay ka haysay xarunteenna. Sabata ugu wayn ee ay u joojisay waa sabab aniga ila xariirta, waayo su’aalaheyga, wicitaankeyga iyo sida aan mar walba u ahay mid doonaya wax bdan in uu ka ogaado ayay u aragtay mid caqabad ku ah shaqadeeda. Taas se aniga ii ma muuqan, wax kaliya ee arko oo aan Muna ka dhex arkayay ayaa ahaa mustaqbalkeyga oo waliba qurux badan.

Xaqiiqadii in aan maalin walba arki waayo waxay ii ahayd murugo iyo waqti xun oo i soo mara, balse tagisteedii iga ma hor istaagin u jeedkeygii ahaa hanashada Muna, lambarkii aan ku aqaanay waa tan is ka baddashay, maxeey warkeyga ku diidday taloow? Ma dhib ayaa haysta? Ma aniga ayaan u qalmin? Moojiye malaha dhib baan u gaystay.

Waxaan raadiyaba waxaan helay hooygoodii, caadiyan waxaan shaqada ka soo bixi jiray afarta galabnimo, galabta u jeedku waa bareer iyo in ogaado dhibta haysata qoftaan i beer qaadday, nasiib wanaag waxaan gaaray gurigoodii, mise hooyadeed baa gambar bannaanka u yaal. Inta aan gaarigii ka degay baan ku iri “Hooyo ma fariisan karaa” “Haa wiilkeygii” ayay iigu jawaabtay iyada oo dhankeyga u soo jeesatay. “Ii warran wiilkeygii? Ma xaafadahan ayaad degan tahay” ayay hooyadu i waydiisay, aniguse mar qura ayaan la soo booday, Muna ma joogtaa? “Yaah, ii gu celi. maxaad ka rabtaa Muna? Xaggee is ku is ku barateen?” iyo su’aalo darandoori ah ayay i gu bilowday, laakiin in muddo ah oo aan ka meermeeray waan u warramay.

Intaas ka dib islaantii way is baddeshay. Inta ay cabbaar aamustay bee hal mar igu tiri, “Maxamed ma adigaa”?. Waxa aan wajigeeda ka dareemay in ay rabto in ay ii sheegto arrin iga qarsoon, waxaana iga degay cadaadis i saarnaa.
Hooyo Waris ayaa ii sheegtay in uu aabbe Shuceyb gabadhiisa Muna u sheegay in la siinayo wiil uu walaalkii dhalay, dareen ahaan iyo niyad ahaanna aysan aniga waxba ila sii wadi karin. Is la daqiiqaddaas waxaa dhintay dareen igu jiray, hooyo Waris ayaa se ugu dambeyn ku guuleysatay in ay baajiso murugadii Muna iyo soo celinta mooralkeygii, afar bil ka dib waxaa dhacay dadab galkii aniga iyo Muna.

Hadda guurkeenii waxaa laga joogaa lix sanno, sanad aan kala maqneyn iyo shan sanno oo aan wada qaadannay, Eebbaa mahad leh, waxaa inoo jooga laba dhallaan ah, Guuleed iyo Abyan.

Abyan waa sanad iyo bar jir, halka uu Guuleed jiro afar sano.

W/Q: Axmad Daahir Cumar.