Shaley ma Zamzamaa Maantana ma Naciimaa?!!

Maanta waxay Taagan tahay olole la mid ah kii sida weyn loogu taageerey Gabadhii Zamzam Axmed Ducaale oo si gardan loogu xirey Magaalada hargeysa Sannadkii 2004 Naciimo Abwaan Qoran oo ah Gabar Soomaaliyeed maanta nooga baahan tahay Taageeradaas.

Naciimo Qorana oo Sadex Sanno Maxkamad ku taal Magaalada Hargeysa ku Xukuntey ka dib markii lagu eedeeyeyin ay Muqdisho tagtey hadaba waxaa la yaab leh in Muqdisho Tagisteeda Xabsi lagu muteysanayo sow ma haboona in la is weydiiyaa Maxaa lagu Xukumaya qofkii hargeysa taga/

Waxaa Xaqiiqo ah in Xududuaha Dadka Soomaaliyeed waa isku Furan yihiin maalin waliba Dadka waxay isku maraan Dhul , Bad iyo Cir marka Sinaba ku kala maarmi meynee, waxaa soo xasuustey Gabaggeygii ( Alla Wanaagsanaan lahaydaa in aan geela la kala soocin Gabiley iyo Cadale) waxana leeyahay Naciimo wax dambi ah ma gelin ee Deg deg Xoriyadeeda ha loogu soo celiyo.

Zamzam Axmed Ducaale Sannadkii ayaa Maxkamad ku taala Magaalada Hargeysa ku xukunta Dhowr Sanno Xarig ah waxaana si loo siidaayo gabadhaas olole u galey Qaybaha kala duwan ee Bulshada oo ay ugu horeyso Bahda Warbaahinta, sidoo kale Amiin Caamir ayaa Kaartoon ka sameeyey Zamzam Sannadkii 2004, waxaana gabey ku saabsan Zamzam ka tiryey Alaha u naxariistee Abwaan Abshir Bacadle, Waxaan ka soo qaadaney Dhowr Tuduc waana kan
1. Gacaltooyadeenii inay gocanayaan mooyi
2. Is gar-gaarsigeenii inay gocanayaan mooyi
3. Galbihii beri samaadkii inay gocanayaan mooyi
4. Calankii shan gees laha inay gocanayaan mooyi
5. Dalsankii ay ka guureen inay gocanayaan mooyi
6. Labada webiye aan go’in inay gocanayaan mooyi
7. Geedihii Canbahoo baxay inay gocanayaan mooyi
8. Ganacsigii Bakaaraha inay gocanayaan mooyi
9. Gobolada dhexiyo bari inay gocanayaan mooyi
10. Xoolahayaga gaanka ah inay gocanayaan mooyi
11. Caasimadu waa gobe inay gocanayaan mooyi
12. Gad gadoonki Xamarweyne inay gocanayaan mooyi
13. Muuskii galoolnaa inay gocanayaan mooyi
14. Ganacsigii xorta ahaa inay gocanayaan mooyi
15. Beeraha gesiinka le inay gocanayaan mooyi
16. Ceelasheena aan go’in inay gocanayaan mooyi
17. Badda gees ka gees waran inay gocanayaan mooyi
18. Geedihiyo mirihii inay gocanayaan mooyi
19. Gosha webiga beeraha inay gocanayaan mooyi
20. Wuscigi ay ka guureen inay gocanayaan mooyi
21. Gacan shisheeyaa haysee inay gocanayaan mooyi
22. Galleydiyo Harruurkii inay gocanayaan mooyi

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Tel 00252615532494


AFEEF: Aragtida maqaalkan waxa ay gaar u tahay qoraaga laguma lifaaqi karo siyaasadda Tifaftirka ee Soomaalikabe. Mahadsanidiin

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments