Sawirrada Toddobaadka iyo Dhuusamarreeb

Dhuusamarreeb (SK)-Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran Dagalka Soomaalikabe, waxaa u soo gudbineynaa sawirrada toddobaadka oo ah ku turjumaya horumarada ka socda dalkeenna hooyo ee Soomaaliya.

Haddaba, maanta oo Jimco ah waxaa idiin soo gudbineynaa sawirro laga soo qaaday magaalada Dhuusamarreeb ee xarrunta maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya.

Sawirradan waxaa ka muuqda beero ku yaalla magaalada xarrunta u ah gobalka Galgaduud, kuwaasoo ay ka baxaan noocyo kala duwan oo ah Khudaar, sida Babaay, Seytuun iyo Moos, dhismooyin cusub oo laga dhisay magaalada, iyo goobo ganacsi oo ku yaalla Dhuusamarreeb.

Magaalada Dhuusamarreeb, wixii ka dambeeyay markii uu maamulkii Ahlu Sunna ku biiray Galmudug, magaalada waxaa ka socday horumaro baaxadweyne oo magaalada ka dhigay mid dhabbo cusub u horseeday.

Xarrumaha ay daggan yihiin maamulka Galmudug ee magaalada ayaa dib loo dhisay, waxaana magaalada laga dareemayaa horumar dhinacyo kala duwan leh.

FG: Sawirradan waxaa magaalada Dhuusamarreeb ka soo qaadday Maxamed Dhagga-Cadde oo ah suxufi sawir qaadde ah.


Fadlan, sawirro waad noo soo diri kartiin, si aan ugu daabacno barta Soomaalikabe, si ummadda u tusno horumarka ka socda dalka Soomaaliya, waxaa noogu soo diri kartiin ciwaanka Soomaalikabe@gmail.com

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com

Facebook Comments

Fadlan Like saar

SAWIRKA MAANTA

FADLAN NAGU SOO BIIR

Muuqaalo

Facebook Comments