Ronaldo oo u socda Juventus

0
Cristiano Ronaldo

Madrid (SK)- Xiddiga waddanka Portugal iyo kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa la werinaayaa in uu ku biiri doono kooxda Juventus dhowaan.

Waxaa la sheegay in uu ugu biiraayo Juve lacag dhan 100 milyan oo Yuuro oo u dhiganta 88 milyan oo bound. Waa 33 jir.

Waxaa la sheegaayaa in uu qaadan doono mushaar badan oo gaaraya 30 milyan oo yuuro sanadkii, taas oo ah marka laga reebo lacagta canshuurta, isagoo saxiixi doona afar sano oo heshiis ah.

Madrid ayaa sanadkii 2009 xiddiggan kaga soo gadatay Man Utd 80 milyan oo bound, wuxuuna u dhaliyay 451 gool.

https://platform.twitter.com/widgets.js
Warkan oo aan wali labada kooxba aysan xaqiijin, waxaa wariyay warbaahinta Spain.

W/Q: Ibraahim Geedow Cawaale