Raysal wasaaraha Falastiin oo ka badbaaday isku day lagu qaarijin lahaa

0
Palestinian Prime Minister Rami Hamdallah attended the inauguration ceremony of a waste treatment plant after the explosion targeted his convoy [Mohammed Salem/Reuters]

Gaza (SK)- Faah-Faahinno ayaa ka soo baxaya, qarax lala eegtay kolanyo uu la socday ra’iisal wasaaraha Falastiin Raami Xamdallaah oo maanta.

Qaraxa ayaa ka dhacay marinka Gaza, waxaa la sheegay in uu ka badbaaday qaraxa isagoo waxbo soo gaarin, in kastoo dad kale ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qof watay mooto uu bam ku tuuray gaarigii ugu dambeeyay kolanyada uu la socday Xamdalaah, muddo yer kaddib markii soo galeen marika Gaza iyagoo ka soo gudbay Kontoroolka Beit Hanoun oo u dhow Israel waqooyina ka xiga Gaza.

Telefishanka Falastiiyiinta waxa uu baahiyey sawirrada baabur burburay iyo mid kale oo daaqadaha ka burburay, isagoo weerarka ku eedeeyay ururka Xamaas, waxa kaloo uu sheegay in bartilmaameedka uu ahaa ra’iisal wasaare Xamadallaah iyo madaxa sirdoonka Falastiiyiinta Majed Faraj oo la socday wafdiga.

Xamaas ayaa dhinaceeda ku tilmaamtay weerarka “Dambi Fool-xun” waxa ay sheegeen in ay baari doonaan.

Mid ka mid ah kolayadii uu la socday ra’iisal wasaaraha Falastiin Rami Hamdallah oo la weerarray [Mohammed Salem/Reuters]
Goor dambe ayaa la arkay ra’iisal wasaare Xamdallaah oo ka soo muuqday goob biyaha lagu daweeyo oo xarriga uu ka jarayey, isagoo sheegay in weli uu ka rajo qabo Falastiiyiinta oo midooba isla markaana uu sii wadi doonno in uu soo booqdo marinka Gaza.

Kolanyadii Xamadaalah ayaa dib ugu laabtay meeshii ay ka yimaadeen, in kastoo ay ahayd intii ay joogeen Gaza in ay la kulmaan wafdi ka socda dowladda Masar kuwaasoo ay kala hadli lahaayeen sidii loo soo afjari lahaa khilaafkaadka u dhexeeya Xamaas iyo Fatax.

Shilkan ayaa dhacay, iyadoo xiisadda u dhexeysa ururada siyaasadeed ee Falastiin ay sii xoogeesatay, iyagoo isku maandhaafsan hirgalinta heshiisyada nabadeed.

_SOOMAALIKABE_

Soomaalikabe@gmail.com